Muassasada Al-Rahmah Foundation oo Deeq lacageed gaarsiisey xarumo waxbarasho

April 25, 2015 - Written by Editor

alraxmaMu’assada Al-Rahmah   oo ka mid ah hay’adaha kheyriga ah ee ka hawlgalo koofurta iyo bartamaha Soomaaliya  oo waayadan dambe ku hawlaneed ol-olaha  taageerista waxbarashada ayaa gaarsiisay kaalmo dhaqaale 6 ka mid ah goobaha waxbarashada oo ku ka la yeelo deegaano hoos yimaado Gedo, Kismaanyo iyo Galgaduud.

Sheekh Cabdirisaaq Warsame Fiqi, oo ka mid ah howlwadeenada Al-raxma foundation   ayaa sheegey inay deeqdaas kasoo gaartay  jaaliyadaha kasoo jeedo deegaankaas ee  kusugan wadamada Maraykanka, Sacuudi Carabiya, finland, Muqdisho , Nairobi,iyo Qatar. Fiqi wuxuu intaas ku daray inay kaalmadan  qeyb ka tahay  barnaamijka Tayeynta waxbarashada deegaanadaas oo siduu sheegey  aad ugu hooseeyso adeegyada waxbarashada.

Sheekh Fiqi ayaa sheegay in ay ku wareejiyeen iskuul walba lacag gaarayso $2500 (laba ku iyo shanboqol oo doolar). Oo looga faaiidaystay  qalabeenta xafiisyada, fasalada iyo mishaharada macalimiinta, taas oo dhib weyn kataagnaa.

Dhibaatadu waa mid aad u ballaaran, iskuuladu wax ay  awoodi la’yihiin mishaharka macalimiinta,  , intooda badan malahan dhismaha wax lugu barto, kuraas ardada ku fariisato iyo xitaa  musqulo la galo midna

Waxaa lagaaray  xiligii wax lagaqaban lahaa waxbarashada goboladaas, taas oo aan ugu baaqayno dowladda Somalia, maamullada ka dhisan deegaanadaas, hay’adaha khayriga iyo jaaliyadda kasoo jeeddo deegaankaas ee dunida daafaheeda ku dhaqan inay gacan ka siiyaan dadka deeganadaas ku dhaqan siday u heli lahaayeen waxbarasho tayo leh. Waxbarasho la’aanta ka jirta dhulkaas, ardaydii awooday dhaqaale ahaan waa  isaga haajireen ayagoo waxbarasho uraadsaday gobolada kale iyo wadamada dariska ah, iskuulada iyo macaahida hadda furan  hadayna taageero helin, ayagana waa baaba’yaan.  qurba joogta  deegaankaas  u dhalatay waxaan oran lahaa  diyaarsada dhulkii aad ku soo noqon laheydeen. Asaagiin qurbaha idinla joogo dhulkooda ayey dhisteen, kadibna caruurtooda kusoo ceshadeen” sdiaas waxaa yiri Sheekh C.risaaq Fiqi oo ka hadlayay duruufaha waxbarashada ee ka jira deeganadaas.

Dhanka  kale, maamulka  madaarista  deeqda la gaarsiiyay ayaa aad ugu mahad celiyey  Alraxma foundation iyo jaaliyadaha soo gurmaday, waxayna sheegeen inay unoqon doonta dhiiri galin “ Waxaan ogaanay inay  walaalaheen na garab taagan yihiin, waxaaana ugu baaqayna inay sii laba laabaan dadaalka wax ka qabashada waxbarashada deegaanadan”

Ugu dambeybtii  Al-Rahmah waxay mahad gaar ah u direysaa walaalihii isa soo xilqaamay oo go’aansaday inay walaalahood umuujiyaan inay garab taaganyihiin, waxaana ka rajaynaynaa inay joogteeyaan kaalmada.

sidoo kale waxaan ugu baaqayaa  maamullada xarumaha waxbarashada inay muujiyaan howl karnimo, adkaysi  iyo sidii kor loogu qaadi lahaa tayada waxbarashada.

Xafiiska warfaafiinta Al-Raxma
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online