Nadwada ka socota masjidka alrowda ee maagalada boosaaso oo gashay habeenkeedii 5aad (Masawiro)

April 19, 2015 - Written by Editor

???????????????????????????????Boosaaso:-Nadwadii sanadlaha ahayd ee ka bilaabatay Masjidka Rowda ee Magaalada Boosaaso ayaa gashay habeenkeedii 5aad, Muxaadarada caawa oo cinwaankeedu ahaa Dhibaatooyinkii ay shiicadu ku samaysay dadka muslimiinta ah laga soo bilaabo markii ay soo baxday shiicadu, ayaa waxa soo jeedinayay Dr.Xassan Sheikh Cali Warsame

Hordhac kadib waxa uu  sheekhu guda galay inuu wax ka sheego gabood falladii ay u gaysteen shiicadu dadka islaamka suniga ah, waxana uu tusaale usoo qaatay isagoo hadalkiisa sii wata, labo dhacdo oo ay shiicadu sameeyeen.

Dhacdada koowaad oo dhacday sanadkii 290 hijriga, ayaa ahayd in nin hogaamiye shiici ah iyo ciidan uu wato ay jidka ugaleen dad muslimiin ah oo xajka ka yimid,markii ay iska horyimaadeen xujaydii way iska difaaceen markii ay isku daaleen ayaa hogaamiyihii shiicadu ku yiri muslimiintii “ ma idin la socdaa hogaamiyihiinii ? muslimiintii waxay ku jawaabeen “May” kadibna waxay ku yiraahdeen iska socda idinka idin ma aannaan doonay, iyagoo doonaya in ay dhakraan , xujaydii way iska tageen markii ay is dhigteen muslimiintii hubkoodii ayay kadaba tageen oo gaadeen, waxayna halkaa ku dileen in ku dhow 20kun oo xaaji,ceelashii ka ag dhawaana way xabaaleen.

dhacdada labaad waxay ahayd xilli hore inay shiicadu soo gashay xaramka halkaasna ay kulaayeen xujjay aad ufara badan, markii ay xujaydii seeftii ka dhargiyeen ayay uyaaceen xaga kacbada iyagoo ku dhag dhagaya daahyadeeda laakiin kama aysan harine halkaasna waa ku dhammeeyeen, intaa kadib waxay qaateen xajjarul aswadka iyagoo lamaqnaa in kabadan 20 sano kuna haystay meesha layiraahdo “Axzaa”

sheekhu waxa uu sheegay dhacdooyin kale oo iyaguna ka dhacay xaramka sida mid ka dhacday sanadkii 1987 in shiico dagaal ku qaaday xujaydii halkaasna ay ku dileen xujjay fara badan iyaga dad badan looga laayay.

haddaba waxaa iswaydiin mudan maxay shiicadu dadka ugu laysaa xaramka ilaahay?

sheekhu waxa uu uga jawaabay su’aashaas inay shiicadu rumaysanyihiin in karbala meesha layiraahdo ay ka fadli badantahay xaramka, sheekhu waxa uu sheegay dhacdo uu isagu  goob jog u ahaa oo ka dhacday magaalada madiina waxa uu yiri “  waxaa galab galbaha kamida kaso baxay dhanka qabuuraha baqiic dad aad ufara badan oo ku qaylinaya alle halacnado nawaasibta oo ay ula jeedaan muslimiinta, kadib waxaa kusoo baxay xujaydii iyo xoogaa ciidan ah oo meesha ka dhawaa kadib meeshii ayaa waxaa kadhacay dagaal meeshii lagaga saaray”

sheekhu waxa uu sheegay musiibadii ugu waynayd ee ay shiicadu  gaysteen inay ahayd dhacdadii tatarka, markii khaliifkii cabbaasiyiinta ee baqdaad xaruntiisu ay ahayd uu wasiir ka dhigtay nin shiici ahaa oo nacayb gaamuray uqabay ummadda muslimka ah, kadib ninkaasi waxa uu xiriir la sameeyay ninkii hogaaminayay tatarka waxana uu usheegay inuu baqdaad kusoo dhawaynayo, lkn hoolaako oo ahaa hogaamiyihii tatarku waxa uu ka codsaday inuu furfuro ciidama oo uu kala diro, wasiirkaasi waxa uu fikraddaas ku qanciyay khaliifkii muslimiinta, kadib waxaa lakala diray ciidamadii heer lagaarsiiyay in ciidamadii musliinta qaar kamida ay masaajidda ka dawarsadaan, halkaas markii ay maraysay ayaa wasiirkan oo lagu magacaabi jiray ibnu calqami uu farriin udiray hoolaako isagoo usheegay inuu ku guulaystay arintii uu udiray, kadib waxaa uu ukala warqaaday khaliifkii muslimiinta iyo hoolako,markii ugu dambaysay waxaa halkaa lagu dilay khaliifkii musliminta

hoolaako waxa uu magaalada baqdaad kusoo fasaxay ciidan tiradiisu gaarayso 200000 iyaga oo halkaa ku dhameeyay wax alla wixii ay arkaan oo muslimin ah,halkaas waxay ka gaysteen dhib aad iyo aad uwayn waxaa tusaale kuugu filan in wabiga dajla laga buuxiyay maydadkii musliminta halkaasna ay ka sameeyeen buundo ay kaga gudbaan, intaa waxaa dheer inay wabiga ku dareen maktabadii ugu waynayd ee muslimiintu ay lahaayeen

halkaasna waxaa lagu dilay muslimiin aan tiradooda la qiyaasi Karin , maydka muslimiintu waxa uu noqday baqdaad dhexdeeda sida buuraha ,markii dhimashadii ciidda ka badatay waxaa halkaa ka dhashay daacuun,kaasoo gaaray sham

haddaba shiicadu sidee bay u arkaan falkaas foosha xun ee ay tatarku sameeyeen musliminta , waxay rumaysanyihiin in arrintaasi ay ahayd mid lagu soo afjaray fasaadkii halkaa ka jiray iyagoo ula jeeda dadka muslimiinta

sheekhu waxa uu soo qaatay qoladan nusayriyada layiraahdo ee hadda ka talisa suuriya waxa ay ka sameeyeen suuriya

waxa dhacday 1980 in la isku dayay in la dilo madaxweynihii siiriya xaafid al asad in kasta oo uu ka badbaaday kadib waxa uu fikiray in arrintani ay ka dambeeyaan dadka suniyiinta ah, kadib waxa uu sameeyay inuu xabsi wayn ka sameeyay meel bannaan ah, kadibna uu ku xiray 500 oo shacaba kadib waxa uu ku fasaxay ciidan gaara kuwaas oo halkaas uu ku dhammeeyay.

no images were found

Intaa ka dib waxa loo gudbay qaybtii ka jawaabista su,aalihii bulshadu culimada usoo gudbisay, waxaana caawa su,aalaha ka jawaabay Sh Daahir Aw Cabdi Iyo Sh Maxamed Macalin Axmed.

Musasat Al-Minhaaj
Boosaaso
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online