Shirweynaha Madaxda Afrika oo looga hadlayo arrimaha Amaanka Afrika oo ka furmay Itoobiya.[Masawiro]

April 18, 2015 - Written by Editor

1Addis:-Magaalada Bahar-Daar ee Dalka Ethiopia ayaa goor dhaweyd waxaa si rasmi ah uga furmay shirka madaxda dalalka Afrika oo looga hadlayo qodobo la xiriira Amaanka Qaaradda Afrika oo lagu casumay Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa inta uu socdo shirku ka jeedin doono khudbad dheer oo uu uga hadlayo Amaanka iyo horumarinta Qaaradda Afrika iyo sidii looga hortagi lahaa kooxaha xagjirka ah ee ka dagaalama geeska afrika.

Shirka Tana Forum ayaa ah shir sanadle ah oo sanad walba martigeliso dawladda Ethiopia waxaana maanta si rasmi ah shirkaasi u furay Raysal-wasaaraha dalka Ethiopia Hailemariam Desalegn , isagoona madasha shirka ka jeediyey khudbad dheer oo dhinacyo taaabanaysay , islamar ahaantaana waxaa uu raysal-wasaaruhu madaxda afrika uga mahadceliyey ka qeyb-galka shirka .

Hailemariam Desalegn ayaa wadamada Afrika u rajeeyey Amni, Horumar iyo iskaashi ay ka yeeshaan cadowyada badan ee ay leeyihiin , wuxuuna ugu baaqay in ay u midoobaan sidii ay isu kaashan lahaayeen.

Dhinaca kale shirka Tana Forum ayaa noqonaya sanadkii labaad oo uu Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ka qeyb-galo isaga oo sanadkii hore matalayey guud ahaan Soomaaliya.

no images were found

-DHAMMAAD-
Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta, Hiddaha
Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

Leave a comment

*

Archives
April 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online