Warar dheeraad ah oo ka soo baxay Shaqaalaha UN-ka ee wax ku noqday Qaraxii Garoowe

April 20, 2015 - Written by Editor

dhaawacGaroowe:-War faahfaahsan oo soo gaaray Halgan.net ayaa waxaa uu sheegayaa in shaqaalihii ku dhintay ama ku dhaawacmay qaraxi lala eegtay gaari hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha ee UNICEF. Qarax ayaa waxaa uu ka dhacay meel aan sidaas uga fogayn Dhismaha xarunta Un-ka ee magaalada Garoowe, shaqaalaha ku dhintay weerarka oo tiradoodu gaarayso 4 ayaa waxaa ay ka soo kala jeedaan dalalka kala ah, Hal Ugandiis ah, labo Kenyaan ah iyo mid Afghanistan ah iyo 2 askari oo ka tirsan ciidanka Puntland SPU.

Dhinac kale shaqaalaha ku dhaawacmay qaraxii saaka ee ka tirsanaa hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha ee UNICEF ayaa waxaa ay asalkooda ka soo jeedaan dalalka kala ah, Uganda,  Sierra Leone,  USA, Kenya, Somali iyo 2 askari oo ka tirsan ciidanka Puntland.

Weerarka saaka ka dhacay Garoowe ayaa waxaa sheegtay in ay fuliyeen ururka Al-shabaab
M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online