Xaflada Tartan diineedka dugsiyada sare ee boorame oo la soo afmeeray (Masawiro)

April 27, 2015 - Written by Editor

Tartan-Badbaado-19Boorama:-Munaasabad balaadhan oo lagu soo afmeerayay Tartanka Dugsiyada Sare ee Degmada Boorama oo  dhinaca diiniga ah  ayna soo wadeen qabashadiisa Ururka dhalinyarada Somaliland ee Gobolka Awdal Ee Badbaado ayaa lagu qabtay Hanuuninta dhexe Ee Magaaladaas.

Munaasabadan ayaa waxaa ka soo qaybgalay Culumawadiin, Aqoonyahano, Arday,Ganacsato,  iyo mas’uuliyiin ka kala socotay wasaaraddaha Dhalinta iyo Awqaafta Somaliland Ee Gobolka Awdal.

Xafladan oo uu furay gudoomiyaha ururka badbaado musane axmed ibraahim maxamed ayaa ka waramay mudada ururka uu shaqaynaayay iyo waxyaabaha u qabsoomay shaqada ay hayaan iyo dhamaan bulsha waynta iyo marti sharaftama baaq u diray in ay dhalintaa dacwada u kacday la shaqeeyaan

Gabogabadii tartankan ayaa waxaa isku soo hadhay Dugsiyada Sare ee Ubaya Iyo Cumar Binu Khadaab ardaydii ku tartamaysay Axaadiista iyo tarbiyada Islaamka waxa ayna natiijadaasi ku soo dhamaatay Barbardhac ay is mari waayeen waxaana guddidii qaban qaabada tartankani ku go’aamiyeen maadaama la kala bixi waayay in ay natiijada ka dhigaan mid barbar dhac oo labada Dugsiba sidaas kaalinta koowaad ku galaan.

no images were found

Dhanka kale waxaa iyagna halkaas kaalinta koowaad ee gabdhaha tartanka dhinaca xifdiga Quraanka kariimka ku guulaysatay Gabadh ka socotay Dugsiga Sare Ee Cumar Binu Khadaab oo magaceeda la yidhaahdo Ayaan Mahdi Cabdi,waxaa sidoo kale dhinaca inamada xifdiga Quraanka kariimka ku guulaystay Wiil ka socday Dugsiga Sare Ee Al-Nuur.

Ugu Danbayn waxaa halkaas hadalo mahadnaq u badan ka soo jeediyay Maamulada culimada ay ka mid yihiin SH QAARI SH XUSEEN NUUR QALINLE SH XASAN KHAYRE DIRIR IYO SH MAXAMED CABDI XASAN SHEEKH SHIINE  MAAMULKA DUGSIGA SARE EE CUMAR C/wahaab C/laahi Aadam Iyo MAAMULKA DUGSIYADA Ubaya Binu Ka’ab Mudane C/raxmaan Muuse Tubeec,Aqoonyahano,Culumawadiin,Mas’uuliyiin ka kala socotay Wasaaradaha Dhalinta Iyo Diinta Iyo Awqaafta iyo marti sharaf kale waxa ayna dhalintan BARNAAMUJKAN Tartanka soo qabatay ku bogaadiyeen sida wanaagsan ee ay u soo wadeen una soo gabogabeeyeen.

Si kastaba ha ahaatee Tartankan oo noqonaya kii ugu horeeyay noociisa oo kale ee loo qabto dugsiyada Sare Ee Degmada Boorama laguna tartamayay Culuuumta Diinta Islaamka ayaa waxaa sidoo kale ku guulaystay qaybta xiftinta axaadiista dugsiga sare ee ubaya halka dugsiga sare ee alnour laalinta labaad ka galay,

Ururka dhalinyarada Badbaado
Boorame
S/land

Leave a comment

*

Archives
April 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online