2413 oo Qaxooti Soomaali ah oo ka yimid dalka Yeman oo soo gaaray magaalada Boosaaso[Video/Masawiro]

May 27, 2015 - Written by Editor

3Boosaaso:-Waxaa saaka soo gaaray magaalada Boosaaso Soomaali gaaraysay ku dhawaad 2413 oo ka soo cararay dagaalada ka socda Yeman, culimada Boosaaso iyo Mu’ssadda Al-minhaaj iyo xubna ka tirsan dowladda Puntland ayaa uga hor tegay dekadda Boosaso yagoo u fidiyey gurmad kale duwan waxaan ay dejyeen goob loo asteeyey in la deji qaxootiga ka imaanaya dalka Yeman ka dibna laga amababixiyo.

Gudiga gurmadka culimada ayaa shalay xog ay helleen ku ogaaday in dad gaaraya ilaa 2500 oo qof ay u soo fool leeyihiin Boosaaso kana soo baxeen dekadda magaalada Mukkala iyadoo dadkaan hordhac ka mid ah uu saaka ymid Boosaaso halka qaar kalena la filayo in ay galabta ama beri yimaadaan magaalada Boosaaso.

Gudiga gurmadka culimada , Mu’ssadda Al-minhaaj , ganacsatada Boosaaso , Ardayda, dadweynaha iyo dowladda Puntland ayaa wada gurmad wixii tabar ah in loo fidinayo dadweynahaan Soomaaliyeed ee tabaalaysan walow hawshu ay hadda tahay mid culus maadaama maamulka S/land uu hakiyey in Soomalida ka imaanaysa Yeman ay ka soo degaan dekkada weyn ee Barbara.

Waxaa mar kale ay gudiga gurmadka culimad Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Boosaaso ay ugu baaqayaan Jaaliyadda Soomaaliyeed in ay gurmad deg deg ah la soo gaaraan walaalahood Soomaaliyeed ee dhibaataysan si loo gaarsiiyo goobihii ay markii hore ka tageen.

Haddii aad doonayso in aad caawiso walaalahaa Soomaaliyeed ee ka soo cararay dagaalka ka soda dalka yeman la xiriiri culimada Hoos ku qoran:-

1. Sheekh Daahir Aw-Cabdi +252907726104

2. Sheekh Axmad Yuusuf Daad +252907793171

3. Sheekh Maxamad Macallin +252907796364

Ama Accountiyadaan Hoos ku qoran:-

-Acconka Dahabshiil;- 005341.

-Acconka Salaam Bank;- 80125795.

-Sahal Accoun;-445941.

no images were found

Hoos ka Daawo Sheekh Daahir Aw-cabdi oo ku baaqay in loo gargaaro walaalaha soomaaliyeed ee ka soo cararay dagaalka ka socda dalka Yeman


M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2015
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online