3.000 kun oo Soomaali ah oo ka yimid Yeman oo beri ku soo fool leh Boosaaso.[Video]

May 26, 2015 - Written by Editor

IMG-20150526-WA0011Boosaaso:-Waxaa galabta kulan aan caadi ahayn isugu yimid culimada dalka Soomaaliyeed ee ku nool deegaanada dowladda Puntland iyo weliba xubna ka tirsan gudiga gurmadka culimada ee loo xil saaray in ay wixii tabar ah u gurmadaan walaalahood Soomaaliyeed ee ka soo cararay dagaalka ka socda dalka Yeman.

Gudiga gurmadka culimada ayaa ogaaday in dad gaaraya ilaa 2500 oo qof ay saaka ka soo baxeen dekadda magaalada Mukkala haddana ay ku soo jeedaa magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari lana filayo in maalinta beri ah ay soo gaaraan Boosaaso.

Waxaa kale oo jira in dooni sidda 500 oo qof ay ka soo baxeen isla galabta dekada magaalada Mukkala ayna ku soo jeedaa magaalada Boosaaso , sidaas darted ayaa culimadu waxaa ay isla garteen in gurmad deg deg ah intii tabar ah loo howl galo iyadoo dadka tiradoodu ay badan tahay loona baahan yahay in loo diyaariyo goobo la dejiyo ka dibna laga ambabixiyo si ay u gaarnaa gobollada Koonfurta Soomaaliya oo eheladoodu ay ku nool yihiin.

Waxaa mar kale ay gudiga gurmadka culimad Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Boosaaso ay ugu baaqayaan Jaaliyadda Soomaaliyeed in ay gurmad deg deg ah la soo gaaraan walaalahood Soomaaliyeed ee dhibaataysan si loo gaarsiiyo goobihii ay markii hore ka tageen.

Haddii aad doonayso in aad caawiso walaalahaa Soomaaliyeed ee ka soo cararay dagaalka ka soda dalka yeman la xiriiri culimada Hoos ku qoran:-

1. Sheekh Daahir Aw-Cabdi +252907726104

2. Sheekh Axmad Yuusuf Daad +252907793171

3. Sheekh Maxamad Macallin +252907796364

Ama Accountiyadaan Hoos ku qoran:-

-Acconka Dahabshiil;- 005341.

-Acconka Salaam Bank;- 80125795.

-Sahal Accoun;-445941.

Hoos ka Daawo Sheekh Daahir Aw-cabdi oo ku baaqay in loo gargaaro walaalaha soomaaliyeed ee ka soo cararay dagaalka ka socda dalka Yeman


M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2015
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online