Mu’asassada Al-minhaaj oo dib deegaanadooda ugu celisay 340 qof oo kamid ah Qaxootiga ka yimid Yemen.[Video/Masawirro]

May 29, 2015 - Written by Editor

0005Boosaaso: Mu’asassada Al-minhaaj ee Dacwada iyo Horimarinta ayaa maantay dib deegaanadooda ugu celisay dad Qaxooti ah oo maalmihii u danbeeyey soo gaarayey magaaladda Boosaaso, iyadoo horayna u sii siisey dhaqaale iyo tasiilaad ay ku tagaan gobollada ay ka yimaadeen markii hore.

Dhaqaalahaan ay Mu’asassada Al-minhaaj ku ambabixinayso dadkaan ayaa waxaa uu qayb ka yahay dhaqaale ay ku deeqeen labada shirkadood ee kala ah: Shirkada Shamiitada ee Barwaaqo iyo Amal Group.

Tirada qaxootiga ee maantay ay la amba bixiyey ayaa gaaraya 340 qof oo isugu jiray rag carruur, dumar iyo dad da’ ah. Dadkaan maantay dib deegaanadooda loogu celinayay ayaa 95% waxa ay ku wajahan yihiin Koonfurta Soomaaliya halka inta kalena ay ku wajahan yihiin magaalada Hargaysa.

Shir jaraa’id oo markii dadkaas la ambabixinayay lagu qabtay xarunta ay ku jiraan qaxootiga kasoo cararay dalka Yemen ayaa waxa ugu horayn ka hadlay Sh Daair Aw-cabdi isagoo u mahad celiya Dawlada Puntland , Ganacsatada, shacabka Puntland iyo walalaha soomaaliyeed ee dibada ka soo gurmanaayay, wuxuu shiikhu xusay in ay ahayeen dadkii soo gaaray 27dii bishaan 2600, halka ay xerada ka galeen 1326 qof , waxaana hadda deegaanadoodii loo celiyay 565 qof oo ay ku jiraan kuwa maanta ay rarkooda fulinayso Mu’asasada Al-minhaaj .

Sh. Daahir Aw-cabdi oo hadalkiisa sii wata ayaa ugu danbayn ugu baaqay hay’addaha dalka jooga inay dadka u soo gurmadaan, isagoo xusay inay wax qabteen laakiin looga baahan yahay kaalin intaas ka badan , hadii aysan kaalintooda gudanna ay ka daba tagayaan .

Sheikh Maxamed Macalin oo isna madasha ka hadlay ayaa ugu horay u mahad naqay Shirkadaha Barwaaqo iyo Amal group oo lacagta dadka lagu rarayo ay qayb ka tahay dhaqaalahay ku deeqeen.

Sheikh oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu ku tilmaamay wax laga xumaado inay tahay inaysan ilaa iyo hadda soo gaarin hay’aadkii islaamiga ahaa, halka ay joogaan hay’aadkii kale marka laga reebo kuwa maxaliga ah ee Puntland .

Gudoomiyaha guud ee Mu’asasada Al-minhaaj Maxamed C/laahi C/dule oo isna madasha ka hadlay ayaa ugu horayn mahad balaaran usoo jeediyay labada shirkadood ee kala ah Shirkadaha Barwaaqo iyo Amal group oo iyagu ku deeqay dhaqaalahaan dadka qaxootiga dib loogu celinayo deegaanadii ay ka yimaadeen markii hore.

Gudoomiyaha Mu’asasada Al-Minhaaj oo hadalkiisa sii wata ayaa tilmaamay in Mu’asasada Al-Minhaaj mar walba ay u taagan tahay caawinta iyo ka qayb qaadashada dhibaatooyinka umadda soomaaliyeed soo wajaha sidii wax looga qaban lahaa.

no images were found

Hoos ka Daawo qaar ka mid ah dadweynihi Soomaaliyeed ee ka yimid Yeman ee laga ambabixiyey magaalada Boosaaso

Xafiiska warbaahinta
Mu’asasada Al-Minhaaj

Leave a comment

*

Archives
May 2015
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online