Culimada iyo shacabka Yeyle ee Gobolka Sool oo ka hadlay dhismaha Masjid iyo Machadka[Masawiro/Video]

May 25, 2015 - Written by Editor

_DSC0339Laascaanood:-Deegaanka Yeyle oo ka tirsan Gobolka Sool kana mid ah deegaanada ay ku dhaq maan xoolaha kaas oo uu ku yaalo Ceel Caana oo ay kacabaan shacabka Yeyle kuwaas oo mar kasta baahi badan ay u qabaan Xarumo waxbarsho.

Culimada iyo shacabka Yeyle ayaa guud ahaan ka codsaday dadka Deegaanada Sool Sanaag iyo Cayn iyo walaalha soomaaliyeed ee muslimka ah in la gala qayb qaato dhisamaha Masaajidka iyo machad kaas oo lagu qiimeeyay aduun dhan 50,kun dollar waxaana gacanta haatan lagu hayaa oo dhismaha socda lagu dhisayaa 23,kun dolar.

Ugu horayn waxaa halkaas ka hadalay Daahir Goox Cabdi oo ah muwaadinkii ku deeqay dhulka haatan laga dhisayo machadka iyo Masaajidka ayaa u sheegay culimada iyo shacabka soomaaliyeed in uu ku deeqay dhulka masaajida iyo machadkan is ku qoofalan waxaana doonayaa in u badkeenu wax noogu barto.

Sheekha tuulada Yeyle Sh Cabdirishiid Cali Khaliif oo sheegay in halkan shaqo fiican ay taalo loona baahanyahay in lagaqayb qaato dhismaha kaas oo ubaahan kharash badan oo lagudhiso Masaajidka iyo machadka,waxaana walaalaha soomaaliyeed leenahay dhismahan diiniga ah waa in aan garab istaagnaa waxaana uu noqon doonaa mid wax wayn kabadala guud ahaan waxbarashada Yeyle.

Waxaa halkaas kahadalay hooyooyin aad ogasheekeeyay dhibka ay kuqabaan waxbarasho la aanta aanay Caruurtu haysan goobo ay wax kubartaan gaar ahaan Goobaha diiniga ah waxaana aad oga Codsanaynaa bulshada ayay tidhi hooyo Faadumo shiine in Shacabka soomaaliyeed Sooc aawiyaan iyo kuwa Deegaanada Sool Sanaag iyo cayn u dhashay.

Gabgabadii waxaa halkaas hadal qiimo badan ka soo jeediyay Sh.Maxamuud Salaad Warsame oo ka mid ah Culimada Gobolada Sool sanaag iyo Cayn sheekha ayaa waxa uu aad ugu dheeraaday dhismaha Masaajidka iyo Machadka.

Waxaana uu bulshada ku booriyay in lagaqaybto shismaha,sheekhayaa dadka oga sheekeeyay qiimha iyo wanaaga ay leedahay goobaha khayrka ah ee la dhiso, waxaana uu noqonayaa haddii dhismahaas ladhiso mid wax wayn ka badala aqoon darada ku habsatay guud ahaan dadka deegaankaas kuwaas oo aan wali helin goobo lagu barto Diinta Islaamka.

Waxaad kala xidhiidhaan:-

1. Sh Maxamuud Salaad Warsame, +252-63-4496131

2. Eng Mohamed Abdilaahi Kadiye +252-63-4496139

no images were found

Hoos ka Daawo Culimada iyo Shacabka deegaanka Yeyle ee Gobolka Sool oo ka hadlay dhimaha Masjid iyo Machadka

C\kariim C\laahi Bile
Laascaanood,Somalia

Leave a comment

*

Archives
May 2015
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online