Guddiga shirka wadatashiga beelaha Puntland oo shaaciyay xilliga iyo goobta lagu qabanayo shirka

May 21, 2015 - Written by Editor

shirbGarowe:-Gudiga qabanqaabada shirka wadatashiga beelaha Puntland ayaa galabta si rasmi ah ugu dhawaaqay wakhtiga iyo goobta lagu qabanayo shirka wadatashiga beelaha wada dega Puntland waxaana ay shirjaraa,id ku qabteen magaalada Garoowe ee xarunta dowlada Puntland.

Eng.Maxamuud Xaaji Saalax (Biriishkalo) oo ah Gudoomiyaha guddiga loo saaray shirka wadatashiga beelaha Puntland ayaa sheegay shirka in lagu qaban doono magalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug kowda bisha lixaad ee sanadka 2015.

Gudoomiyaha guddiga shirka wadatashiga beelaha Puntland Eng.Maxamuud Xaaji Saalax (Biriishkalo) ayaa sheegay in shirka wadatashiga beelaha Puntland uu socon doono mudo 10 cisho ah ayna ka soo qeyb gali doonaan 253 ergo oo ka socota beelaha Puntland.

Shirka wadatashiga Beelaha Puntland ayaa waxaa looga hadli doonaan xoojinta midnimada beelaha Puntland ,xalinta khilaafaadka , sugida amaanka deegaanada Puntland iyo dib in loo eego shirkii lagu unkay 1998.

Eng.Maxamuud Xaaji Saalax (Biriishkalo) ayaa waxaa ay saxaafada weydiisay sababaha shirka loogu qabanayo magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug wuxuuna sheegay in Gaalkacyo ay ka mid tahay Puntland ayna muhiim tahay in shirka lagu qabto si loo baahiyo Maamulka Puntland.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2015
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online