Iska horimaad xalay ka dhacay Tuulada Yalho oo 45 KM u jirta Boosaaso

May 5, 2015 - Written by Editor

ciidanBoosaaso:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee xaurnta Gobolka Bari ayaa sheegay in iska horiaad hubaysan uu xalay ka dhacay Tuulada Yalho oo qiyaastii 45km dhanka koonfur-bari kaga beegan magaalada Bosaaso. Iska horimaadka ayaa yimid ka dib markii xubno ka tirsan Al-shabaab ay soo weerareen Saldhiga ay Tuulada Yalho ku lahaayeen maleeshiyaad deegaanka oo ay dowladda Puntland ka dhigeen ciidan si ay dhaqdhaqaaqa Al-shabaab ula socdaan.

Deegaanka Yalho waxaa ay ku taalaa silsiladda buuraleyda ee Golis waxayna ku dhow dahay deegaannada Sugurre iyo Galgala oo dhowr jeer uu dagaal ku dhexmaray Ciidanka dowadda Puntland iyokuwa Al-shabaab.

Khasaaraha ka dhashay iska horimaadki hubaysanaa ee xalay ayaa ilaa hadda waxaa ka soo baxay warar is khilaafsan iyadoo qolo walba ay guul ka sheeganayso dagaalkii xalay ka dhacay Tuulada Yalho. Dagaaka oo dhacay waqti habeen ah ayaa waxaa adag in xog rasmi ah laga hello khasaaraha kala gaaray labada dhinac.

Tuulada Yalho ayaa waxaa gaaray Ciidanka PSF-ta ee Puntland iyagoo ka bilaabay howl galo  iyo baaritaan walow ilaa hadda aysan jirin Sarkaal ka tirsan Ciidanka Puntland oo ka warbixyey iska horimaadkii xalay ka dhacay Tuulada Yalho.

Dhinac kale ururka Al-shabaa ayaa sheegtay in ay ka danbeeyeen iska horimaadkii xalay ka dhacay Saldhig ku yaal Tuulada Yalho.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2015
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online