Jaaliyadda Leicester oo mar kale deeq lacag ah gaarsiisay gudiga gurmadka culimada ee Boosaaso.[Masawiro]

May 30, 2015 - Written by Editor

2Leicester:-Waxaa Alle mahadiisa in mar kale qaar mid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Leicester ,Uk ay gurmad u fidiyeen iyagoo ajiibaya codsigii Sheekh Daahir Aw-cabdi walaalahood Soomaaliyeed ee ka soo cararay dagaalada ka socda dalka Yeman.

Gurmadka ay bixiyeen qaar ka mid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Leicester ,Uk ayaa waxaa markaan hormuud ka ahaa Allaha barakeeyeen Aziiza Ahmed Aduus iyo Safiyo  Abdi Geesood. Deeqdaan Lacageed oo gaaraysay 2300 dollar ayaa waxaa lagu hagaajiyey gudoomiyaha gurmadka dadka ka soo cararay dagaalada sokeeyey Sh Ahmed Yuusuf Daad isagoo isla maantaba ku shubay lacagta Accounka u gaarka ah ee gurmadka.

Hoos ka eeg Sh Axmed Yuusuf oo lacgata kala wareegay Shirkadda Xawaalada ee Amal

no images were found


Waxaa kale oo iyadana xusid mudan in lacag gaaraysa 500 dollar Abdulrazak Mohamed oo ka tirsan Jaaliydda magaalada Leicster ay gaartay gudiga gurmada culimada ee uu gudoomiyaha u yahay Sh Axmed Yuusuf Daad.

Hoos ka eeg Sh Axmed Yuusuf oo lacagata 500 dollar kala wareegay Shirkadda Xawaalada ee Amal.

no images were found

Gudoomiyaha gurmadka dadka ka soo cararay dagaalada sokeeyey Sh Yuusuf Ahmed Daad ayaa waxaa kale oo uu soo gaarsiiyey Halgan.net in lacag dhan 575 dollar oo ay soo dirtay Nasro Hashi ay oo ka mid ah jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Leicester ay soo gaartay.

Hoos ka eeg Sh Axmed Yuusuf Daad oo lacagata 575 dollar kala wareegay Shirkadda Xawaalada ee Amal

no images were found

Culimada Soomaaliyeed ee ku sugan magaalada Boosaaso iyo ganacsatada ayaa si isku duuban waxaa ay gurmada ugu fidiyeen walaalahood Soomaaliyeed ee ka soo cararay dagaalada Yeman iyagoo u fidiyey gurmada dejin iyo ambabixin ah loogu samaynayo si loo gaarsiiyo degaanadooda.

Jaaliyaddaha Soomaaliyeed ee ku nool dalka dibadiisa ayaa waxaa laga rajeynayaa in ay ku daydaan walaalahood Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Leicester , Uk gaar ahaan walaalahod sida gaarka isku xilqaamay si deg deg ah u ajiibay codsiga culimada gaar ahaan Sh Daahir Aw-cabdi oo a mid ah culimada ugu waaweyn uguna caansan dalka Soomaaliya.

Culimada Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Boosaaso gaar ahaan gudoomiyah gurmadka dadka qaxootiga ah ee ka yimid Yeman Sh Axmed Yuusuf Daad ayaa u soo duceeyey guud ahaan jaaliyadda Soomaaliyee magaalada Leicester ,Uk ee walaalahood gurmadka u soo fidiyey iyo weliba walaalaha lacagaha diray oo alle ka sakow hormuud u ahaa in howsha gurmadku ay fusho. Halkaan ka eeg deeqdii ay horay qaar ka mid ah jaaliyadda reer Leicester ay gaarsiiyey gudiga gurmadka culimada ee Boosaso

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2015
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online