Ka qayb qaado gadista Mashiinka Ogsijiinka Ee Puntland (Daawo)

May 17, 2015 - Written by Editor

ogeysiisMuxuu yahay Medical Oxygen Generating Systems (OGS).”Medical Oxygen Generatings Systems” waa mashiin dhaliya hawada ogsijiinka oo loo adeegsado marka qof ku sugan yahay xaalad caafimaad oo khatar ah, oo uusan awood u lahayn in uu si caadi ah u neefsado ama naqaska u qaato, sida qaliinka, koma’da, dhalmada iwm. Mashiinkaani wuxuu ka koobanan yahay qaybahan soo socda:

  • Warshad hawada dhalisa (Medical Oxygen Generating Systems)
  • Kaydiye (Storage)
  • Haamo/dhuumo (Oxygen Cyllingders).

Qiimaha mashinka Naqaska
Mashruuca waxa la bilaabay dhamaadkii 2011, muddo sanad ah kadib shaqada hakad aya ku yimid, bishi November 2014 aya dib loo kacshay hadana wuxuu maraya meel wanaagsan. ilaa hada waxaa la aruurshey lacag dhan kr 200.000 taas oo ku jirta kontada mashruuca ee SYN. Mashiinku wuxu jooga kr 300.000. ($40.000) Qiimahas waa lacag yar marka loo eego baahida loo qabo ee uu dabooli karo. Waxkasta waxaa ka wayn badbaadinta nafta qof bani aadam ah. Waxaa naga dhiman kr 100.000 ($12.000) oo kaliya.

Walaal naf in la badbaadsho waa waxyaalaha ugu qaalisan oo la sameynkaro, taas oo Allah (SWT) ku sheegay Qur’aanka kariimka ah “Ciddi badbaadisa naf waxay la mid tahay ayagoo badbaadiyay umad oo dhan. (Surah Al-Maidah 32). Sido kale xadiiska Abu Hurayrah ee Saxiixul Muslim ku qoran wuxu leyahay:
عن أبي هريرة رضي الله عنه أن رسول الله صلى الله عليه وسلم قال : ((إذا مات ابن آدم انقطع عمله إلا من ثلاث: صدقة جارية، أو علم ينتفع به، أو ولد صالح يدعو له )) رواه مسلم

Badbaadi naf kuu baahan
Walaal ma ogtahay inaan mashiinka hawada ogsijiinka dhaliya laga helin Puntland?! Mashiinkaan la’aantiis waxaa sanad walba u geeriyooda ama dhibaato caafimaad darri ahi ka soo gaartaa dad aad u fara badan. Gaar ahaan hooyoyin badan ayaa ku geeriyooda inta ay foolanyaan (umul raac), sidoo kale lama qalikaro caruurta 5 sano ka yar, sababta oo ah in ay dhintaan ayay u badan tahay naqas la’aan owgeed. Sidoo kale dad badan ayaan lagu samayn karin qaliimada waa weyn.

Dhibaatooyinkaas oo dhami waxay ka imaanayaan la’aanta adeeg caafimaad oo aan lacag badan joogin. Sidaa darteed, waxaan nafteena iyo naftaadaba ku boorinaynaa in aad Allah swt dartiis uga qayb qaadatid hirgalinta mashruuca mashiinka naqaska ” Medical Oxygen Generating Systems”.

Waxaan balan qaadaynaa hadii Allah swt noo ogaalaado inaan idin soo gudbin warbixin buuxda.

Yaa ka masuul ah mashruuca?
Mashruucaan waxaa ka masuul ah ururka Somali Youth Network (SYN).
Ururka SYN wuxuu balan ku qaadey in ay ka dhabeeyaan hirgalinta mashruucaan.
Ururka SYN asagoo ka damqanaya baahida caafimaad ee ka jirta dalkeenii
hooyo ayuu isku xilsaaray in uu ka miro dhaliyo mashruucaan oo ahmiyad
weyn u leh umadda soomaaliyeed.

Sidee uga qayb qaadan kartaa?

Hadda Norway joogtid ku soo shub kontadan – Dnb: 1203.82.93506 ama u dhiib qof ka mid ah maamulka uruka SYN.

Hadad Norway dibadiisa lacag ka soo dirayso adeegso 3dan nooc ayad adeegsan kartaa:

  1. Name: SOMALI YOUTH NETWORK
    BIC:   DNBANOKKXXX
    IBAN:   NO4212038293506.



  2. Paypal ku bixi, linkiga waxad ka helaysa synnor.no

  3. Ku soo dir xawaaladaha Somalida:
    SOMALI YOUTH NETWORK
    Oslo, Norway



La soo xiriir qof maamulka ka mid ah:

Nasro                +47 957 79 641
Abdirahman    +47 934 55 639
Halimo              +47 400 59 464
Ubax:                 +47 971 37 032
Hirsi                    +47 918 84 343
Maxamed:       +47 400 59 719
Cawil:                 +47 912 69 523

www.synnor.no
info@synnor.no

Hoos ka Daawo Xaalada Isbitaalada Puntland

Oslo
Norway

Leave a comment

*

Archives
May 2015
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online