Madaxda u sareysa DFS oo qaabilay wasiirka arimaha dibada ee dalka Qadar (Masawiro)

May 22, 2015 - Written by Editor

DSC08070Muqdisho:- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Hassan Sheikh Mohamed oo ay wehlinayeen Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Omar Abdirashid Ali Sharmarke iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Dr. Abdusalam Hadliye Omer ayaa maanta ku qaabilay Madaxtooyada Qaranka ( Villa Somalia) Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dowladda Qatar H.E. Khalid bin Mohammed Al Attiyah oo booqasho ku yimid Caasimadda dalka ee Muqdisho .

Kulankaasi oo albaabada u xirnaa , waxaa xigay kulan ballaaran oo Wafdiga Dowladda Qatar iyo Xubno ka tirsan golaha Wasiirada oo uu hogaaminayay Ra’iisul wasaaraha ay yeesheen , waxaana ka qeybgalay Wasiirada Arrimaha Dibadda H.E. Dr. Abdusalam Hadliye Omer , Maaliyadda H.E. Mohamed Aden Ibrahim , Waxbarashada iyo Tacliinta sare H.E. Dr. Khadar Bashir Ali , Amniga Gudaha H.E. Abdirizak Omar Mohamed , Gaadiidka iyo Duulista Hawada H.E. Ali Ahmed Jama “Jangali”, Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga H.E. Khaled Omar Ali , Wasiir kuxigeenka Arrimah Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga H.E. Ahmed Mohamed Ali “ Kediye” , Taliyaha hey’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka Major General Abdirahman Mohamed Tuuryare, , Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Major General Hassan Mohamed Hussein “Muungaab” iyo Mas’uuliyiin kale .

Shir Jaraa’d oo si wadajir ah ay u qabteen Wasiirada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Qatar ayaa waxa ay sheegeen in laga wada hadlay Xoojinta xiriirka laba geesoodka iyo iskaashiga xoogan ee labada dal ka dhaxeeya .

Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar ayaa xusay in dalkiisu uu garab taagan yahay Soomaaliya , kana qeyb qaadan doono dib u dhiska, mashaariicda horumarinta iyo soo celinta adeegyada caafimaadka iyo kaabashaayasha dhaqaalaha.

Dhankiisa , Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ee Soomaaliya ayaa xusay in Dhiggiisa Qatar ay kala hadleen Iskaashi dhinacyo badan leh oo labada dowladood ay yeeshaan , xaaladaha ammaan darro ee Yemen , si gaar ah taageeridda iyo badbaadinta qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi .

Wasiir Dr. Abdusalam H. Omer waxa uu cadeeyay in Soomaaliya iyo Qatar ay ka mideysan yihiin mowqifka taageeridda Dowladda Sharciga ah ee Yemen , ayna rajeynayaan in nabadda iyo deganaanshaha dalkaasi dib u soo noqon doonto .

no images were found

Wafdiga Dowladda Qatar ayaa waxa ay booqasho ku tageen dhul Dowladda hoose ee Muqdisho ay ugu deeqday oo ay ka dhisan doonaan Safaarad cusub.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga waxa ay u mahad-celineysaa waajibka qaranimo ee ay guteen ciidamada ammaanka oo sugayay ammaanka wafdiga dowladda Qatar ee maanta soo booqday Muqdisho , taasoo muujineysa kobaca iyo dhismaha awoodda ciidamada Qaranka .

Socdaalkani oo ah kii Seddexaad ee Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar uu ku yimaado Caasimadda Muqdisho ayaa ku idlaatay jawi guul ah .

Xafiiska Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda
Section of Press and Public Relations

Leave a comment

*

Archives
May 2015
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online