Madaxweynaha Dawladda Puntland oo si weyn loogu soo dhaweeyey Boosaaso[Masawiro]

May 22, 2015 - Written by Editor

IMG_3889Boosaaso:-Madaxweynaha Dawlada Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Wefdi balaaran oo uu hogaaminayo ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 22-5-2015 soo gaaray magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari, ka dib markii uu saaka ka soo kictamay magaalada Qardho.

Magaalooyinka u dhaxeeya magaalada Boosaaso iyo Qardho ayaa waxaa madaxweynaha iyo wefdigiisa si diiran ugu soo dhaweeyey qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan, kuwaasi oo ruxayey caleemo qoyan iyo calamada Puntland iyo Soomaaliya.

Kantaroolka laga soo galo Magaalada Boosaaso ayaa madaxweynaha waxaa si kal iyo laab ah iyana ugu soo dhaweeyey Wasiiro, xildhibaano, Saraakiil ciidan, waxgarad, maamulka Gobolka Barri, maamulka Degmada Boosaaso, aqoonyahan, dhalinayro , haween iyo dadweyne kale.

Halku dhiga ay maanta shacabka ku nool magaalada Boosaaso ku soo dhaweeyen Madaxweynahooda ayaa aheyd  ” Waa geesigii Gobolada Puntland Guusha u hayee , waxaana ay ku labisanayen dhar laga tolay calanka Puntland iyo kan Soomaaliya , wajiyadooda ayaana laga dheehan karay farxad iyo rey reyn.

Soo dhaweyn kadib ayaa Madaxweynaha iyo wefdigiisa loo soo galbiyey aqalka Madaxtooyada dawladda Puntland ee Boosaaso , waxaana uu halkaasi ku la hadlay warbaahinta isagoona faah faahin dheerad ah kabiyey safarka shaqo ee uu ku kala bixinayo qeybo kamid ah Gobolada Barri iyo Karkaar.

” aad iyo aad ayaan ugu mahadnaqayaa shacbiga reer Boosaaso sida muga weyn ee wanaagsan oo ay noo soo dhaweeyen maanta , aad baan ugu mahadnaqaya madax iyo shacab, socdaalkayguna waxaa uu la xiriira sidii aan xog waraysi ula yeelan lahayn shacbiga reer Puntland meelkasta oo ay joogaan ” Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Puntland ayuu tilmaamay in ay ku filantahay sugida amnigeeda aysana jirin baahi weyn oo hada loo qabo cidkale, shacbiga reer Puntland ayuuna ku amaanay dadaalka ay u sameeyen qaxootiga ka soo cararay dagaalada ka soconaya dalka Yemen.

Madaxweyne Gaas  ayaa mudada uu ku sugan yahay Magaalada Boosaaso kormeeri doona Mashariicda hormarineed ee ka socda Boosaaso oo ah xarunta dhaqaalaha Puntland, sanadba sanadka ka dambeeyana waxaa ay ku talaabsanaysaa horumar balaaran.

-DHAMMAAD-

 Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta, Hiddaha iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

Leave a comment

*

Archives
May 2015
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online