Madaxweynaha Dowladda Puntland oo qaabilay safiirka imaaradka carabta ee Soomaaliya.[Masawiro]

May 18, 2015 - Written by Editor

1Garoowe:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 18-5-2015 aqalka madaxtooyada Puntland ee Garoowe ku qaabilay Safiirka imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya Mohamed Al-Cutmani .

Kullan gaar ah oo Madaxweyne Dr.Gaas la qaatay Safiirka ayaa waxaa ku wehliyey Gudoomiyaha Baarlamaanka Dawladda Puntland Siciid Xassan Shire waxaana ay uga wada hadleen horumarinta xiriirka iskaashi iyo wax wada qabsi ee ka dhaxeeya Puntland iyo isutagga imaaraadka Carabta.

Shirka ayaa intii uu socday sidookale looga hadlay dardar gelinta mashaariicda horumarineed ee dawladda isutagga imaaraadka carabta ka fuliso guud ahaan Puntland, kuwaasi oo hada meel wanaagsan maraya.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa safiirka imaaraadka carabta u fadhiya Soomaaliya Mohamed Al-Cutmani iyo wefdiga uu hogaaminayo uga mahadceliyey booqashada ay ku yimaadeen Puntland, taasoo tusaale u ah in Puntland ay kajirto Nabad, kala dambeyn iyo horumar baahsan.

Ambassador Mohamed Al-Cuthmani ayaa isna dhankiisa ka mahadceliyay soo dhaweynta loogu sameeyay Puntland, isagoona sheegay in mar walba ay ka go’antahay sii wadida xiriirka wanagasan ee ka dhaxeeya labada Dawladood.

Dalka isutagga imaaraadka carabta ayaa Puntland ka taageera dhinacyo badan waxaana marba marka ka dambeeyana sii hagaagaya xiriirka ganacsi iyo midka diblumaasiyadeed ee ka dhaxeeya labada dawladood ee walaalaha ah .

no images were found

-DHAMMAAD-

Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta, Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

Leave a comment

*

Archives
May 2015
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online