Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed oo isku day dil ka badbaaday

May 18, 2015 - Written by Editor

Shariif-xasan2Afgooye:-Madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed ee Somalia Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa maanta ka badbaaday weerar lagu qaaday kolonyo gawaari ah ee uu la socday ka dib markii miino lagu qarxiyey xili uu marayey duleedka Degmada Afgooye.

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa socdaal indho indhayn ah ku marayey maalmahaan deegaano ka tirsan gobalka Shabeellaha Hoose .

Wararka ugu danbeeyey ee naga soo gaaraya Afgooye ayaa sheegaya in mid ka mid ah gawaaridii galbineysay Shariif Xasan Sheekh Aadan uu qarax haleelay xili ay marayeen inta u dhexeysa Carbiska iyo degmada Afgooye.

Afhayeenka maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamad Nadara oo la hadlay Idaacada VOA qeybta afka Soomaaliga ayaa sheegay in miino nooca dhulka lagu aaso ay ku qaraxday kolonyada, balse aan wax dhibaato ah soo gaarin Madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed ee Somalia Shariif Xasan Sheekh Aadan .

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2015
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online