Madaxweynaha PL oo daah furay xafiiska qunsuliyadda dawladda Yemen ee Puntland.[Masawiro]

May 24, 2015 - Written by Editor

IMG_4909Boosaaso:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 24-5-2015 daah furay xafiiska Qunsuliyadda Dawladda dalka Yemen ku yeelanayso Puntland Xafladda furitaanka xafiiskaan oo ka dhacday hoolka Hotelka Gacayte ee Boosaaso ayaa waxaa ka soo qeyb-galay Wasiiro, Xildhibaano, Waxgarad , Maamulka Gobolka Bari iyo kan Degmada Boosaaso, rag iyo dumar isugu jiray shicibweynaha dalka Yemen ee ka soo qaxay dagaalada ka soconaya dalkaasi, kuwaasi oo u soo qaxay gudaha Puntland.

Safiirka dalka Soomaaliya u fadhiya Dawladda Yemen oo ka hadlay xafladda ayaa sheegay in uu si aad ah ugu mahadcelinayo dawladda iyo shacabka reer Puntland oo aan si aan kala har lahayn uga qeyb qaatay soo dhaweynta iyo garab istaaga walaalaha ka soo qaxaya dalka Yemen ee dhibaatada colaadeed ku habsatay.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo sirasmi ah xariga uga jaray xafiiska cusub ayaa sheegay in mar walba ay garab taagan yihiin walaalahooda Yemen, dhulka Puntland uu yahay dhulkoodi labaad dhinackastana ay dawladda iyo shacaba garab taagan yihiin.

Dawladda Yemen ayuu ku tilmaamay in xiligii dagaalada sokeeye ay ka qarxeen dalka Soomaaliya marti gelisay qaxooti badan , maadama ay talaabadaa qaadeen ayuu sheegay Madaxweynuhu in sidii si la mid ah oo weliba ka wanaagsan loo baahanyahay in la sameeyo hadda .

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn Beesha Caalamka ugu baaqay inay gargaar deg deg ah laso gaaraan qaxootiga badan ee ku sugan Puntland iyo kuwa sida isdaba jooga ah uso gaaraya, dhinacyada ku dagaalamaya dalka Yemen ayuuna ugu baaqay inay hakiyaan colaada soconaysa.

no images were found

DHAMMAAD-

Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta, Hiddha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland

Leave a comment

*

Archives
May 2015
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online