Madaxweyne Gaas oo booqday xarumo dawladeed oo ku yaala magaalada Boosaaso.[Masawiro]

May 25, 2015 - Written by Editor

IMG_5213Boosaaso:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 25-5-2015 kormeer shaqo ku tagey xarunta wasaaradda maaliyadda Puntland ee magaalada Boosaso ,xarunta maamulka Gobolka Bari iyo xarunta maamulka degmada Boosaaso .

Kormeerka shaqo ee madaxweyne Gaas oo saldhig u ah u kuur gelida habsami u socodka shaqo ee xarumaha dawladd ayuu ku kala bixiyey xarumahaas, waxaana uu si aad ah ugu bogay habka ay shaqadu u socoto iyo sida ay uga go’antahay howlwadeenada uu la kulmay wadida shaqada ay u hayaan shacabkooda.

Madaxweyne Gaas ayaa dhammaan xarumaha uu booqday indha indheeyey , waxaana uu madaxda iyo shaqaalahaba ku dhiirigeliyey dardar gelinta shaqooyinka ay hayaan, isagoona u sheegay in qofkasta lagula xisaabtamayo howsha loo idmaday loogana baahan yahay firfir cooni dheeri ah.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa markii uu soo gebagebeeyey kormeerka shaqo waxaa uu saxaafadda kula hadlay aqalka madaxtooyada dawladda Puntland ee Boosaaso, waxana uu sheegay in kormeerkii uu maanta sameeyey uu ugu soo dhammaaday guul warbixino la xiriira habka ay u socoto shaqadana uu ka soo dhagaystay madaxdii iyo shaqaalihii uu la kulmay.

no images were found

DHAMMAAD-
Xafiiska Warfaafinta,Wacyigelinta,Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

Leave a comment

*

Archives
May 2015
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online