Madaxweyne Gaas oo booqday xarunta ay dawladda Puntland Boosaaso uga samaysay qaxootiga ka imaanaya Yemen iyo xarumo kale.[Masawiro]

May 23, 2015 - Written by Editor

IMG_4170Boosaaso:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 23-5-2015 si rasmi u booqday xarunta ay dawladda Puntland Boosaaso uga samaysay qaxootiga ka soo cararaya dagaalada ka soconaya dalka Yemen, Garoonka diyaaradaha Boosaaso, xarunta ciidanka Birmadka Puntland iyo sidookale xarunta ciidanka Badda Puntland ee PMPF.

Ugu horeyn madaxweynaha ayaa booqday xarunta lagu soo dhaweeyo qaxootiga ka imaanaya dalka Yemen, waxaana booqashadiisa ku wehliyey safiirka dawladda Yemen ee Soomaaliya Mr. Mansur Ali Rayash Al-imrani iyo qunsulka dawladda Ethiopia ee Puntland mudane Asmalaash iyo xubno wasiiro iyo xildhibaano isugu jira oo katirsan dawladda Puntland.

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa uu warbixino la xariira xaalada qaxootiga ku sugan gudaha xarunta ka dhagaystay gudiga Gurmadka oo ay dawladdu wakiilatay, maamulka xerada iyo qaxootiga oo uu dhammaantood xogwaraystay, waxaana ay dawladda Puntland uga mahadceliyeen sida wanaagsan ee walaalnimada leh ee ay u soo dhaweeyen.

Safiirka dawladda Yemen ee Soomaaliya Mr. Mansur Ali Rayash iyo qunsulka dawladda Ethiopia ee Puntland Mudane Asmalaasha ayaa dawladda iyo shacabka reer Puntland si wadajir ah uga mahadceliyey sida wanaagsan ee ay gacanta iyo soo dhaweynta ugu sameeyen walaalahooda ka soo cararaya dagaalada ka soconaya dalka Yemen.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Dawlada Federaalka ugu baaqay in Dhaqaalaha loogu soo dhiibo dadka masaakiinta ah ay uso gaarsiiyaan sida loogu talagalay, isagoona raaciyey in PuntlandIlaahay dartii u caawinayso dadka usoo qaxaya ee ka imaanaya dalka Yemen.

Madaxweyne Gaas ayaa intaa ka gadaal booqday xerada ay duleedka magaalada Boosaaso ka dagan yihiin ciidanka Birmadka Puntland oo howlo laxiriira xaqiijinta amaanka Puntland kawada gudaha magaalada Boosaaso iyo guud ahaan Gobolka Barri.

Waxaana uu ciidanka uu la kulmay ku bogaadiyey howsha wanaagsan ee ay wadaan , isagoona kula dardaarmay in shacabkooda ula dhaqmaan si wanaagsan meelna looga soo wada jeesta ladagaalanka koox diimeedka Ururka Al-shabaab iyo cidkasta oo wada falal amniga Puntland lid ku ah.

Garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso oo ay ka socoto dhimaha dhabada ay diyaaraduhu ko ordaan ayuu kula kulmay maamulka iyo howlwadeenada wada howshaa, waxaana ay warbixin buuxda ka siiyeen halka ay shaqadu marayso, waxaana lagu wadaa in wakhtigii loogu talagalay lagu soo gebagebeeyo si shacabka reer Puntland garoon caalami ah.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sidookale booqday xerada ciidanka badda Puntland PMPF ee Gobolka Barri waxaana halkaasi si diiran ugu soo dhaweeyey maamulka iyo ciidamada kusugan xaruntaas.

Cutubyo katirsan ciidanka Badda Puntland ee PMPF ayaa madaxweynaha siiyey salaan sharaf, waxaana uu uga mahadceliyey howlaha muhiim ka ah ee ay shacabkooda u hayaan, kuna bogaadiyey dardar gelinta shaqada adag ee loo idmaday.

no images were found

-DHAMMAAD-

Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta, Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

Leave a comment

*

Archives
May 2015
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online