Madaxweyne Gaas oo Boosaaso ka Furay Imtixaanka Shahaadiga ah ee Puntland (Masawiro)

May 23, 2015 - Written by Editor

IMG_4108Garowe:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 23-5-2015 magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari ka furay imtixaanka guud ee shahaadiga ee sanad dugsiyeedka 2014/2015, waxaana uu kaga qeybgalay dugsiga sare ee Boosaaso Puplic Secondry School.

Arday badan oo isugu jira fasalada 4aad ee dugsiga sare iyo kuwo 8aad ee dugsiga dhexe ayaa maanta si rasmi ah ugu fariistay ka qeybgalka imtixaankaan oo ka bilowday dhammaan xarumaha waxbarasho ee Puntland.

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo si rasmi ufuray imtixaanka ayaa sheegay inuu si aad ah ugu faraxsanyahay in Puntland ay tahay meesha keliya ee laga galo imtixaan midaysan oo halmaalin bilowda.

” Aad iyo aad waxaa farxad iigu ah in aan idiin imaado,idinkalana qayb qaato maalintaan idinka idinku weyn,taariikhdiinana meel fiican ka galaysa ” Sidaasi waxaa yiri Madaxwaynaha Dawlada Puntland Dr Cabdiweli Maxmed Cali Gaas.

”Waxaan idiin sheegaya In dawlada Puntland ka go,antahay in mustaqbalkiinu Cadaado,in mustaqbalkiinu sida idinka aad la doonaysaan uu noqdo, saa waxaan oo dadaal ah waxaa u soo galayseen in noloshiina qofnimo wax iska badasho’’Ayuu Madaxwaynuhu Hadalkiisa raaciyay .

Madaxwaynaha Dowlada Puntland oo galay mid ka mid ahaa Fasalada ay ardaydu Imtixaanka ku galayaan ayaa waxa uu mid mid ugu qaybiyay waraaqihii imtixaanka, isagoona si toos ah ugu dhawaaqay in Imtixaanka shahaadiga ah ee Iskuulada Puntland furanyahay .

no images were found

” Waxaan rabaa inaan ku dhawaaqo in Imtixaanki dugsiyada Sare iyo Dhexe ee Fasalada 12aad iyo 8aad ee Gobolada Puntland,maanta uu meel waba oo Puntland ah ka furanyahay imtixaankiina saa ayuu ku furanyahay Guul ayaan idiin rajaynayaa ” Ayuu yiri Madaxwayne Gaas.

 

-DHAMMAAD-

Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta, Hiddaha iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

Leave a comment

*

Archives
May 2015
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online