Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland oo lagu soo dhaweeyey magaalada Kismaayo (Masawiro)

May 4, 2015 - Written by Editor

ksKismaayo:-Waxaa dhawaan gaaray magaalada Kismaayo wafdi uu hogaaminayo madaxweyne ku xigeen ka dowladda Puntland Eng Cabdixakiin Cabdulaahi Camey oo maalinta beri ah ka qayb gali doona caleema saarka Gudoomiyaha cusub ee baarlamaanka maamulka Jubbaland.

Wafdiga madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Eng Cabdixakiin Cabdulaahi Camey ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Kismaayo ku soo dhaweeyey masuuliyiin ka tirsan maamulka Jubbaland oo uu horkacayo madaxweyne ku xigeenka 2aad ee Jubbaland Lugadheere, wasiiro, xildhibaano iyo dadweyne aad u fara badan.

Wafdiga madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Eng.Cabdixakiin Cabdulaahi Camey ayaa waxaa loo galbiyey xarunta Madaxtooyada Jubbaland halkaas oo uu ku soo dhaweeyey madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Islaan Madoobe.

no images were found

Wafdiga madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Eng Cabdixakiin C/laahi Camey ayaa waxaa ay ka qayb geli doonaan xaflada caleemasaarka gudoonka baarlamaanka cusub ee Jubbaland oo beri ka dhici doona magaalada Kismaayo ayna ka soo qayb geli doonaa madax ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamul gobolleedyada dalka ka jira

A/cawaale
Halgan.net
Masawiro Xafiiska Warfaafinta  Madaxtooyada Puntland.

Leave a comment

*

Archives
May 2015
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online