Mowqifka Dawladda Puntland ee mooshinka ka dhanka ah Baarlamaanka Jubba-land           

May 22, 2015 - Written by Editor

plGaroowe:-Dawladda Puntland markay qiimaysay mooshinka ka dhanka ah sharciyadda Barlamaanka Jubbaland ee la horkeenay Golaha Shacabka Dawladda Federaalka Soomaaliya Aragtayna qodobada lagu dhisay keenista mooshinkaas ka dhanka ah Barlamaanka Dawlad Goboleedka Jubbaland, waxay caddeynaysaa Dawladda Puntland in mooshinkaasi uusan sharci aheyn, isla markaana khilaafsan yahay Dastuurka ku meel-gaarka ah ee Dawladda Federaalka Soomaaliya, kaasoo u ogolaanaya Dawladaha Xubnaha ka ah Dawladda Federaalka Soomaaliya in ay maamulaan arrimahooda daakhiliga ah dhistaana hay’adaha Xeer-dejinta, Fulinta iyo Garsoorka.

Waxaa wax lala yaabo ah in meeshii Barlamaanka Federaalka Soomaaliya ay hormuud ka noqon lahaayeen yoolasha nabad-dhisidda Soomaaliya ay caqabad ku noqdaan Barlamaan lagu soo xulay hab ku dhisan wadatashi laguna bixiyey dhaqaale iyo waqti isla markaana ay goob-joog ka ahaayeen Madaxda Kala duwan ee Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamkuba.

Dawladda Puntland waxay markale canbaareyneysaa mooshikaas sharci darrada ku dhisan oo lagu hor-istaagayo horumarka iyo nidaamka lagu hirgalinayo hannaanka nidaamka Federaalka ah ee ay Dawladaha xubnaha ka ah Dawladda Federaalka ah ku dhisanayaan laamaha ugu muhiimsan maamulka.

Ugu Danbayn.

Dawladda Puntland waxay garab taagan tahay xaqqa ay leedahay Dawlad Goboleedka Jubba-land in ay u gudbaan nidaam dhameystiran dhinaca fulinta xeer-dajinta iyo Garsoorka,waxayna ku boorineysaa Barlamaanka Soomaaliya in uu ku mashquulo arrimaha muhiimka u ah jiritaanka iyo Dawladnimada Ummadda Soomaaliyeed.

Xafiiska Af-hayeenka Madaxtooyada Dawladda Puntland
E-mail:
spofgovpl@gmail.com

Leave a comment

*

Archives
May 2015
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online