Muxaadaraad ku saabsan Khatarta Shiicada oo xalay lagu qabtay Masjidka Al-hudaa ee Garoowe.[Daawo Video]

May 3, 2015 - Written by Editor

DSC02665Garoowe:-Waxaa xalay lagu qabtay masjidka Al-hudaa ee magaalada Garoowe Muxaadaraad ku saabsan Khatarta Shiicada waxaan ay muxaadaradu ay ka koobnay ilaa labo qaybood oo ay soo kala jeediyeen Sh Maxamed Macalin iy Sh Dr.Cismaan Faarax. Muxaadaradaan ayaa ahayd mid bulshadu si wanaagsan dhagaha ugu hayeen maadaama shiicadu tahay mid ku soo noqnoqtay dhagaha bulshada Sheekh Cismaan Faarax ayaa muxaadaradiisa ku soo bandhigay uguna hadlay ilaa 4 qodob oo kala ah:-

1. Waa maxay Shiico.

2. Maxay tahay fikirkeedu.

3. Maxaa looga baahan yahay bulshada Zuniga.

Waxaa ay culimada ku bilaabeen soo ifbaxii shiicada iyo Micnaha erayga Shiico waxaana Sh.Cismaan Faarax soo qaatay nusuus ku tusinaysa in fikirka shiicadu uu yahay mid ku salaysan Inxiraaf iyo In ay ka jeesteen Hadyigii (NABIGA SALLAHU CALAYHI WASALAM.) Sheekha oo ka mid ah culimada wax badan ka qoray shiicada iyo kooxaha Xadkudbay ayaa ku dheeraaday khatarta kaga soo wajahan Shiicada Dadka Zuniga ah.

Sheekha ayaa yiri shiicadu waxay ku wariyaan cayda iyo habaarka dakii ugu fadliga badnaa umadaan marka laga reebo Suubanha waxayna gaar ahaan habaaraan Abu Bakar Sadiq

Sheekha ayaa u dhaadhacay waa maxay fikirka shiicada danse ma ka leeyihiin dadka Soomaalida waxaana sheekhu sheegay in ay waqtigaan ka wadaan dalka in ay dad isku guuriyaan guurkaas oo ah mid Zina ah wuxuuna ku salaysan yahay in nin iyo haweynay ay qandaraas wada galaan ah waan is guursanaynaa waqti ka dibna waan is furaynaa iyo in dhalin yarada loo diro wax barasho lacag la,aan ah waxaana ka weyn ayuu yiri sheekhu dan ta ay ka lee yihiin .

no images were found

Intaas ka dib waxaa darsiga qaybtiisa labaad lagu soo dhaweeyay Sheekh.Maxamed Mucalim Axmed waxaana sheekhu isna dhan kiisa ka hadlay labada qodob ee kala ah:-

1. Shiico ma haysataa Kitaabka Quraanka Kariimka.

Ugu horayntiiba waxaa sheekhu soo bandhigay Shiico in aysan haysan Kitaabka qur’aanka kariimkaa waxaana sheekhu soo Qaatay ayaa ka qur’aanka Iyo Zunada( NABIGEENA S.C.W) oo ay badaleen isagoo sii wata sheekhu hadalkiisa ayuu is weydiiy maxay ka aamin san yihiin Caa’isha Bintu Abii Bakar oo ah mid Allah kabari yeelay 7samo korkooda iyo Abuubaar Zadiiq Oo ah saaxiibkii suubanaha iyo Cuthman Bin Cafaan R.D.C Sheekha ayaa cadeeyay in ay ka aamin san yihiin Kuwa khilaafay Nabiga .
Waxaana Muxaadarda soo xiray madaxa shaqada iyo Shaqaalaha dowlada Puntland waxaana uu u mahad celiyay Culimada Dadaalka ay wadaan iyo sidda wanaagsan ee dadka u tusinayaan Khataraha ku wajahan .

Hoos ka Daawo Khatarta Shiicada ee ka dhacday Masjidka Al-hudaa ee Garoowe
Sh Maxamed Macalin


Hoos ka Daawo Khatarta Shiicada ee ka dhacday Masjidka Al-hudaa ee Garoowe
Sh Cismaan Faarax

Nuur Jaamac Aadam
Garowe,Somalia

Leave a comment

*

Archives
May 2015
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online