Qaar ka mid ah Jaaliyadda Leicester oo deeq lacag ah gaarsiiyey gudoomiyaha gurmada culimada ee Boosaaso[Masawiro]

May 19, 2015 - Written by Editor

1Leicester:-Waxaa Alle mahadiisa in qaar mid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Leicester ay gurmad u fidiyeen iyagoo ajiibaya codsigii Sh Daahir Aw-cabdi walaalahood Soomaaliyeed ee ka soo cararay dagaalada ka socda dalka Yeman.

Gurmadka ay bixiyeen qaar ka mid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Leicester ,Uk ayaa waxaa hormuud u ahaa Allaha barakeeyeen walaalkeen Cabdiraxmaan Ahmed Guuleed oo ku magacdheer ‘Shiine‘.

Deeqdaan Lacageed oo gaaraysay 1630 dollar ayaa waxaa lagu hagaajiyey gudoomiyaha gurmadka dadka ka soo cararay dagaalada sokeeyey Sh Yuusuf Ahmed Daad isagoo isla maantaba ku shubay lacagta Accounka u gaarka ah ee gurmadka.

Culimada Soomaaliyeed ee ku sugan magaalada Boosaaso iyo ganacsatada ayaa si isku duuban waxaa ay gurmada ugu fidiyeen walaalahood Soomaaliyeed ee ka soo cararay dagaalada Yeman iyagoo u fidiyey gurmada dejin iyo ambabixin ah loogu samaynayo si loo gaarsiiyo degaanadooda.

Jaaliyaddaha Soomaaliyeed ee ku nool dalka dibadiisa ayaa waxaa laga rajeynayaa in ay ku daydaan walaalahood Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Leicester , Uk gaar ahaan walaal C/raxmaan Ahmed Guuleed Shiine oo horseed u ahaa in la ajiibo codsiga culimada gaar ahaan Sh Daahir Aw-cabdi oo a mid ah culimada ugu waaweyn uguna caansan dalka Soomaaliya. 

no images were found

Culimada Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Boosaaso gaar ahaan gudoomiyah gurmadka dadka qaxootiga ah ee ka yimid Yeman Sh Axmed Yuusuf Daad ayaa u soo duceeyey guud ahaan jaaliyadda Soomaaliyee magaalada Leicester ,Uk ee walaalahood gurmadka u soo fidiyey iyo weliba walaalkeen Cabdi raxmaan Ahmed Guuleed Shiine oo alle ka sakow hormuud u ahaa in howsha gurmadku ay fusho. 

no images were found

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2015
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online