Qarax ka dhacay masaajid ku yaal dalka Sucuudiga

May 22, 2015 - Written by Editor

IMG-20150522-WA0012Weerar bam ayaa lagu qaaday salaadii Jimacaha, masaajid Shiicada ay leeyihiin oo ku yaala dalka Sacuudiga.Ugu yaraan toban qof ayaa lagu soo waramayaa in ay dhinteen, qof goob joog ahna waxa uu sheegayaa in weerarkaasi uu ismiidaamin ahaa.

Weerarka ayaa waxa uu ka dhacay gobalka waqooyiga ku yaala, oo ay u badan Shiicada laga tirada badan yahay.Fiidiyow laga soo duubay masaajidka Imam Ali, ee uu qaraxa ka dhacay ayaa waxa uu muujinayaa in qeybaha jirka bani’aadamka ay daadsanaayeen goobta ay wax ka dhaceen.Qofka isa soo miidaamiyay ayaa qaraxa waxa uu fuliyay xilligii salaada jimcaha.

Waa markii ugu horeysay oo qarax lala eegto masaajid ay leeyihiin Shiicada oo ku yaala Sacuudiga, iyada oo ay isa sii tarayso xiisada ballaaran ee ka taagan gobalka, ee u dhaxaysa Suniyiinta iyo Shiicada Muslimka ah.

Sacuudiga ayaa hadda hoggaaminaya weeraro dhanka cirka ah oo ka dhan ah falaagada Shiicada ee Yemen, kuwaas oo lagu eedeeyay in ay taakuleyn ka helayaan Iran.Majirto cid sheegatay weerarkan ilaa iyo hadda, waloow maleeshiyada Daacish ay soo sareen digniin ay ku sheegayaan in ay weerarayaan Shiicada ku sugan Sacuudiga.

Sacuudiga kuma cusbo weeraro argagaxiso, waxayna ka guulaysteen mowjado weeraro bambaano oo dhacay sanad ka hor.Balse waxaa weerarkaas ku qaaday Al-Qacida oo wadatay ujeedooyin ka duwan kuwa Daacish.

Xigasho:BBC

Leave a comment

*

Archives
May 2015
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online