Ra’iisul Wasaaraha DFS ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay wafdi ka socday dalka Shiinaha.[Masawiro]

May 31, 2015 - Written by Editor

IMG_5386Muqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cumar C/rashid Cali Sharmarke iyo xubno ka tirsan golaha wasiiradda oo ay ka mid yihiin; Wasiirka Qorshaynta iyo Is kaashiga Caalamiga, Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda, Wasiiru Dowlaha Waxbarashada, Wasiir ku xigeenka Xanaanada Xoolaha, Wasiir ku xigeenka Kaluumay siga, ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay wafti balaaran oo ka socday dowladda Shiinaha.

Waftigaan ayaa waxaa hogaaminayey Liu Guijin oo ah Ergayga dowlada Shiinaha u qaabilsan Golaha Xiriirka Shiinaha iyo Africa, wuxuuna Ergayga iyo waftigiisu qiimaynayaan sida ugu haboon ee dowladda Soomaaliya uga mid noqon lahayd golahaas.

“Xiriirka Shiinaha iyo Soomaaliya wuxuu dib u soo noqday markii la dhisay dowladan cusub dhamaadka sanadkii 2012, waxaana labada dal ka dhexeeya xiriir dheer oo soo bilowday 1960-kii, waxaa noo qorshaysan inaan Soomaaliya ka caawino, dhanka warshadaha si dadka shaqo loogu abuuro, dib u dhiska iyo nabad ku soo dabaalida dalka, oo saldhig u ah.

in dalka wax badan laga caawiyo, waxaana rajaynaa in Soomaaliya sanadkaan dhamaadkiisa ay ku soo biirto Golaha Xiriirka Shiinaha iyo Africa, si ay uga fa’iidaysato deeqaha iyo daymaha dowladda Shiinuhu siiso wadamada ka midka ah golahaan.”ayuu yiri Mr liu Guijin.

Ra’iisul Wasaare Dr.Cumar ayaa uga mahadceliyey waftiga Shiinaha booqashada ay ugu kuur galayaan sidii ay dalka uga caawin lahaayeen inuu cagihiisa isku taago, dib u dhisna ay ku sameeyaan goobihii ay Shiinuhu dhiseen oo bur burku soo gaaray.

“Waxaa dowladda Soomaaliya ku howlan tahay sidii ay ugu biiri lahayd Golaha Xiriirka Africa iyo China, waxaana arinkaas hormuud ka ah diyaarinteeda Wasaaradeena Arrimaha Dibadda. Dowladda Shiinaha waxaan ka rajaynaynaa markii aan ka mid noqono golahan inaan qayb ka helno mashaariicda ay Shiinuhu ku hormarinayaan Africa, waxana mudnaanta noo leh hormarinta Xoolaha, Kaluumaysiga iyo Waxbarashada” ayuu yir RW Cumar.

Ugu danbayntii Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Khalid Cali Cumar ayaa dhankiisa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay bilowday qaabkii ay uga mid noqon lahayd Golaha Xiriirka Africa iyo Shiinaha, wuxuuna xusay in Soomaaliya ay ka qayb galayso sanadkan dhamaadkiisa shir heer wasiir ah oo ka dhacaya South Africa.

“Waftigaan wuxuu qiimaynayaa sidii Soomaaliya ugu biiri lahayd Golaha Xiriirka Shiinaha iyo Africa oo la asaasay sanadii 2000, wuxuu golahaan taageero balaaran ka gaystaa dib u dhiska Africa, waxaana la qabtaa sadexdii sanaba shir heer madaxweyne ah, waxaana shirkii ugu danbeeyey lagu balan qaaday lacag gaaraysa 20 bilyan oo doolar oo dalalka Africa ay ku helaan deeq, deyn aan dulsaar lahayn iyo deyn dulsaarkeedu yar yahay.

—-DHAMAAD—
Waaxda Warfaafinta Xafiiska RW
Muqdisho, Soomaaliya
media@opm.gov.so

Leave a comment

*

Archives
May 2015
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online