Ra’isal Wasaaraha DFS Cumar Cabdirashiid oo gaaray Magaalada Cadaado

May 31, 2015 - Written by Editor

cumar_cabdirashiid_jpg2Cadaado:-Ra’isal Wasaaraha DFS Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa gaarey magaalada Cadaado waxaana halkaas si weyn ugu soo dhaweeyey masuuliin ka tirsan Maamulka ximan iyo xeeb wasiiro xildhibaano iyo gudiga Maamul u sameynta gobalada dhexe.

Magaalada Cadaado ayaa waxaa maanta ka furmaya wejiga labaad ee shirka maamul u sameynta gobollada dhexe sida uu shalay shaaciyey Wasiirka Arrimaha Gudaha ee DFS C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa).

Wafdiga Ra’isal Wasaaraha DFS ayaa waxaa loo gudbiyey goobta loogu talo galay inay degaan iyaga oo khudbado ka jeedin doona hoolka uu ka socdo shirka maamul u sameynta gobalada dhexe.

Wixii warar ah ee ka soo kordha Socdaalka Ra’isal Wasaaraha DFS Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ee Cadaado dib baan idiinka soo gudbin doonaa inshalaah.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2015
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online