Sh.Yuusuf Sayid Cali Dhuux oo xalay ku geeriyooday magaalada Nairobi

May 24, 2015 - Written by Editor

tacsiNairobi:-Allaha u naxariistee waxaa xalay ku geeriyooday magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya Sheekh Yuusuf Sayid Cali Dhuux oo ka mid ahaa culimadii kaalinta weyn ka soo qaatay faafinta dacwada Soomaaliya waxaana sheekha wax ka bartay culimo badan oo Soomaaliya caan ka ah hadda kuna nool dalka Soomaaliya iyo dibadiisa.

Allaha u naxariistee Sh.Yuusuf Sayid Cali Dhuux ayaa in mudo ah ku xanuunsanaa magaalada Nairobi, geerida Sheekh Yuusuf Sayid ayaa waxaan uga tacsiyeynaynaan dhamaan umada Soomaaliyeed guud ahaan gaar ahaan culimada Soomaaliya , Xertiisii , Ehelkiisii Asxaabtiisa iyo Caruurtiisa meel walba oo ay joogaanba waxaan Alle uga baryeynaaa inuu ku arsuqo Sabar, ajar-xisaabsi iyo intii uu ka tageyna inuu Badel kheyr qaba siiyo.

Sheekhana Alle waxaan uga baryaynaa inuu dambi-dhaaf iyo naxariistiisa isugu daro, uu ka raalli noqdo, jannada Firdawsna siiyo. Sheekh Yuusuf Sayid Cali Dhuux ayaan isla maanta lagu aasay magaalada Nairobi Allaha u naxariisto Aamiin.

Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2015
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online