Shirkada xawaalada ee Amal oo lacag gaaraysa $20,000 ugu deeq day qaxootiga yemen kuna wareejisay Al-minhaaj.[Masawiro]

May 21, 2015 - Written by Editor

IMG_4549Boosaaso:-Xalfad aad loo soo agaasimay oo ka dhacday xafiiska guud ee Mu’asasadda Al-minhaaj , ayaa bankiga xawilaada ee Amal uu deeq lacageed   oo ay ugu tabarucday qaxootiga ka soo cararaya dagaalka kasocda  dalka yemen ku wareejiyey  mu’asasada alminhaaj.

Maareeyaha guud  ee bangiga Amal mudane: dr.siciid cali shire  oo Ugu horayntii  goobta ka hadlay ayaa  mahad celiyey culimada iyo mu’asasada al minhaaj dadaalka balaaran oo ugu jiraan taakulaynta dadka kasoo qaxaya dalka yemen .

 Dr. siciid cali oo hadalkiisa siiwata ayaa sheegay shirkada xawaalada Amal iyada oo ajiibaysa qaylo dhaantii ay  culimada iyo mu’asasada alminhaaj ay ujeediyeen ganacsatada soomaaliyeed ay ku deeqa yaan  lacag dhan $20,000 ( labaatan kun oo doolar)   oo ay isla madashan ku wareejinayaan mu’asasada alminhaaj , wuxuu kaloo xusay mudane siciid inay hawl galiyeen dhamaan maamulka Amal Group inay ku hawl galiyeen inay u samay-yaan qaxootiga yaman lacag ururin ( Fundraising)   .

Sh.Daahir ow cabdi  iyo sheikh maxamed macalin Axmed oo kamid ah culimada ugu caansan dalka Soomaaliya oo madasha ka hadlay ayaa uga mahad celiyey una duceeyey shirkada Amal deeqdaas lacageed ee ay soo gaarsiiyeen culimada iyo mu’asasada alminhaaj .

Culimada  ayaa ugu baaqay ganacsatada shirkacadaha dhaaman dadka wax haysta ee soomaaliyeed in ka qayb qaataan ugargaarida daadkaas qaxootiga ah ee kasoo qaxay dalka yaman , ayadoo hada sida la sheegayo ay ku soo fooleeyihiin deegaanada puntland in ka badan 5000 oo qof, deeqdaana ay ku filan tahay  in lagu raro dad gaaraya ilaa 250qof . culimada aya sidoo kale ugu baaqay dowlada federaalka soomaaliya maamulka puntland iyo maamulada kale  in ay u guntadaan soo rarida iyo meelaynta qaxootiga dalka yemen ka soo qaxaya.

Intaa kadib shirka Amal ayaa  waxay ku wareejisay maamulka mu’asasada alminhaaj iyo culimada lacagtii ay ku deeqday oo kaash ah, taasoo gaaray say $20,000 oo doolar .

 Gabagabadii xaflada waxa  gudoomiyaha guud ee  Mu’asasada Al-minhaaj  ayaa ku wareejiyeen gudoomiyaha gudiga  gurmadka qaxootiga kasoo qaxay dalka yemen  Sh.Axmed Yuusuf Daad  oo xaflada ka soo qayb galay.

no images were found

Xafiiska wararka Mu’asasada Al-Minhaaj

Leave a comment

*

Archives
May 2015
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online