Socdaalkii degmada Galdogob ee Gobolka Mudug iyo Wariye Saciid Nadaara.[Daawo Video-ga]

May 17, 2015 - Written by Editor

galGaldogob:-Magaalada Gaalkacayo waa mid ka mid ah magaalooyinka ugu waaweyn Puntland, hase yeeshee magaalo kasta oo weyni waxa ay ku xirantahay ganacsi iyo bulsho ahaanba magaalo kale, waxaana magaaalooyinka ugu muhiimsan ee ku xiran ka mid ah magaalada Galdogob.

Galdogob kaliya ma ahan degmo kaa tirsan gobolka Mudug, ee sidoo kale waa magaalo ku taaala xuduud, ahna buundada isku xirna gobolkani Mudug iyo dalka Itoobiya, gaar ahaan dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiyo.

Laakiin si aad u fahamto muhiimadda ay leedahay magaalada Galdogob, waxaad u baahantahay in aad safar ku martid wadada dheer ee isku xirtaa Gaalkacayo iyo Galdogob taasi oo dhabtii ah qeybta ugu xiisaha badan ee qisada kobaca dhaqaale iyo hormarka ku saabsan ee Galdogob.

Wadadani waxa ay leedahay taariikh mugdi ah, laakiin maanta waa mid laga maqsuudi karo dhismaha iyo dayactirka lagu sameeyey darteed, waxaana hawshaasi isu xil saaray dadka magaalada Galdogob kuwaasi oo guntiga dhiisa isa dhigey siddii magaaladooda ay indhaha ugu feedi lahaayeen.

Wadad waa mid mashquul ah, gaadiidka xamuulka iyo rakaabka ayaa isdabamaraya maalintii oo dhan, waxaadna dareemeysaa in ay tahay halbowle ganacsi. Intii aaan dariiqa sii heyney waxaan sii marnay dhul baaxad xooluhu ku tanaadeen oo ay reer miyi badani degenyihiin.

Haatan waxaan dhextaagnahay bartamaha magaalada Galdogob, maanta maa ahan xero ciidan oo ay mar ahaan jirtey, waa magaalo xiimeysa oo aaad ka heleyso nooc kasta oo ganacsi ah, dhinac kasta oo aad eegto illaa inta ay ishaadu ku daasho waxaad teedsan goobo ganacsi iyo meherado kala duwan.

Waxaan la sheekeystey dad kala duwan oo reer Galdogob, waxa ay iiga sheekeeyeen sidda dadka magaaladani ay u horumar ugu gaarayaan isku tashi iyo wax wada qabsi. Sidoo kale waxaan booqanay meelo muhiim oo magaalada ku yaala si aan waxbadan oga fahano kaabayaasha iyo waadiyaasha ay magaaladani ka duurduurato .

Magaalada waxaa laga dhisayaa xarun kastamka ama laanta canshuuraha ee xuduudaha, taasi oo rajo badan laga qabo in ay furto fursado cusub oo ganacsi iyo dhaqaalaha oo sare u kaca.

Marka aad halkani taagantahay waxaan addimaha ku heysaa furdad muhiim ah, ama marin gaadiidka badeecooyinka wada ay isa dalandoolaan Galdogob illaa gudaha Itoobiya, iyada oo rarka badeecooyinka laga keeno illaaa dekada Boosaaso. Dadka qaar waxa ay kuu sheegayaan in ay ahaan jirtey magaalo nal ka baqtiisanyahay, haddana waa taas wada bikaacaysa.

Hoos ka Daawo Socdaalkii degmada Galdogob ee Gobolka Mudug iyo Wariye Saciid Nadaara

Source Rajo Film

Leave a comment

*

Archives
May 2015
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online