Somaliland oo si weyn looga xusay sannad guuradii 24 aad markii la asaasay S/land (Daawo)

May 18, 2015 - Written by Editor

axmed_siilaanyoHargeysa:-Somaliland ayaa maanta u dabaal degtay sannad guuradii 24 aad ee ka soo wareegtay markii ay ku dhawaaqeen inay madaxnaanidooda dib ugala soo noqdeen dalka Somalia sannadkii 1991 kii, Waxaana munaasibado loogu dabalaal degayo lagu qabtay gobolada iyo degmooyinka.

Madaxwayne Axmed Maxamed Siilaanyo oo khudbad u jeediyay bulshada ayaa walaac ka muujiyey ciidamada loo dhisayo dawladda Soomaaliya, wuxuuna sheegay in madaxda Soomaaliya ay marar kala duwan ku soo celceliyaan in ciidamadaas loo dhisayo in lagu soo midnimadii burburtay, Madaxweyne Siilaanyo ayaa ugu baaqay wadamada Soomaaliya u dhisaya Ciidamadu inay arrintaas ka fiirsadaan.

Dhinaca kale Madaxweyne Siilaanyo wuxuu ka hadlay dib u dhaca doorashooyinka isagoo sheegay inaanu waxba hagran, isagoo iska fogeeyey in xukuumaddu saamayn ku lahayd go’aankii ka soo baxay golaha Guurtida ee muddo kordhinta ay ugu sameeyeen Xukuumadda iyo weliba Golaha baarlamaanka, waxaana madaxweyne Siilaanyo go’aankaas ku tilmaamay dastuuri.

Wasiirka difaaca ee dowladda Somalia, C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa beeniyay in dib u dhiska ciidamada Somalia aanay halis ku ahayn dad gaar ah, wuxuuna sheegay in dib u dhiska ciidamo Somali ah oo amniga ilaaliya ay dan ugu jirto dadka Soomaaliyeed.

VOA Somalia

Halkan ka Daawo Masawirada    (Hadhwanaagnews)

Hoos ka Daawo Dabaaldega xusay sannad guuradii 24 aad markii la asaasay S/land

Hoos ka Daawo Khudbadii Madaxweynaha S/land Axmed Maxamed Siilaanyo 

Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2015
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online