Suldaan Cabdiqani Qorane oo lagu soo dhaweeyey degmada xarfo.[Masawiro]

May 21, 2015 - Written by Editor

1Xarfo:-Waxaa maalinti shalay lagu soo dhaweeyey degmada Xarfo ee gobolka Mudug wafdi uu hogaami nayo Suldaanka cusub ee Beesha Maxamed Cumar (Cumar Maxamud) Sh. Cabdi qani Qorane Maxamed oo dhawaan beeshu ay xilkaas u dooratay.

Wafdiga uu horkacayey Suldaanka cusub ee Beesha Maxamed Cumar (Cumar Maxamud) ayaa waxaa lagu soo dhaweeyey duleedka degmada Xarfo ee Gobolka Mudug, Suldaan Cabdi Qani Qorane ayaa waxaa socdaalkiisa ku wehelyey Nabadoono, Ganacsato, Aqoon yahano iyo weliba gudoomiye ku xigeenka Barlamanka Puntland xildhibaan Xuseen Yaasiin Xaaji Diiriye.

Suldaanka cusub ee Beesha Maxamed Cumar (Cumar Maxamud) ayaa markii gaaray degmada xarfo ee Gobolka Mudug waxaa soo dhaweyn ballaadhan loogu sameeyey xarunta dugsiga sare iyadoo xafladu ay ka soo qayb galeen maamulka degmada Xarfo, Nabadoono Cuqaal, Waxgarad, iyo bulshada qaybaheeda kale duwan.

Dhamaan waxgaradkii kala duwanaa e goobta ka hadlay ayaa waxaa ay Suldaanka cusub ee Beesha Maxamed Cumar (Cumar Maxamud) ugu duceeyeen in Alle xilkaas loo gartay Alle u fududeeyo iyagoo isku wada raacay in xilka uu u qalmo Suldaanka uuna yahay shaqsi aqoon u leh dhinac diin iyo maadigaba.

Duqa degmada Xarfo C/ftaax Daahir Cumar iyo Gudoomiye xigeenka Barlamanka Puntland oo goobta ka hadlay ayaa si wada jir ah u soo dhaweeyey xilka Suldaanka loo gartay waxaan ay sheegeen in xilkaas uu u qalmo Shiikh Cabdiqani Qorane.

Ugu danbayntii ayaa Suldaan Shiikh Cabdiqani Qorane waxaa uu soo xiray xaflada isagoo u mahad celiyey bulshadii soo dhaweysay oo dhan waxaan uu u balan qaaday in beesha uu ku kala xukm doono Kitaabka Alle isagana marjiciisu uu yahay Kitaabka Alle.

no images were found

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2015
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online