Taariikhdii Sh.Yuusuf Sayid Cali Dhuux waxaa ka waramaya Sh.Xassan Maxamed Ibrahiim.[Dhagayso]

May 25, 2015 - Written by Editor

xassanBoosaaso:-Sheekh Xassan Maxamed Ibrahim oo ku magacdheer Abu Xassaan oo ka mid culimada Soomaaliyeed ayaa waxaa uu ka waramay taariikh kooban oo ku saabsan Sheekhiisii Sh.Yuusuf Sayid cali Dhuux Allaha u naxariistee oo shalay ku geeriyooday magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya.

Sh Xassan Maxamed Ibrahim Abu Xassaan ayaa sheegay in Sheekhu in mudo ah uu xanuun la ila darnaa oo mar caafimaad loogu qaaday dalka Koonfur Afrika ka dibna dib loogu soo celiyey magaalada Nairobi oo uu shalay ku geeriyooday.

Sh Xassan Maxamed Ibrahim Abu Xassaan ayaa xusay in Sheekh Yuusuf Sayid Cali Dhuux uu xaq gaar ah ku leeyaay uuna ka bartay culuum badan oo shareecadda ah uuna u ahaa Arday isagoo dhinac kalena sheegay in culimo iy ducaad caan ah ay Sheekh Yuusf Sayid wax ka bartaan waxan uu ka magacaabay:-

1.Sheekh Maxamuud Shibli

2.Sh Dr. Aadan Inshhaar

3.Axmad Sheekh CabdiNaasir (Nashaad)

4.Axmed Cabdi Aadan

5.Sh Maxbuub

Sheekh Xassan Maxamed Ibrahim Abuu Xassaan ayaa Sheekh Yuusuf Sayid Cali Dhuux alle uga baryey in uu u naxariisto Allena uu nagu anfaco cilmiga uu maanta Sheekhu ka tegay isagana uu u socdo Ajarkisa Aamiin.

Hoos ka Dhagayso Sh Xassan Maxamed Ibrahim Abu Xassaan oo ka waramaya Taariikh kooban oo ku saabsan Sheekh Yuusuf Sayid Cali Dhuux

[audio: http://www.alminhaaj.com/minhaaj/wp-content/uploads/2015/05/Tacsi-.mp3]

Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2015
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online