Wasaaradda Caafimaadka oo 25 dhaawacyo howlo daaweyn ah ugu dirtay maanta dalka Qatar.[Masawiro]

May 5, 2015 - Written by Editor

DSC07950Mogadishu, Talaado, May 05, 2015 – Wasaaradda Caafimaadka oo kaashaneysa Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo dhiiri gelinta Maalgashiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta markii seddexaad muddo laba bil gudahooda dalka dibaddiisa ugu dhoofisay dhaawac gaaraya illaa iyo 25 ruux oo waxyeelo kala duwan ay ka soo gaartay weeraro iyo qaraxyo hore uga dhacay caasimadda Muqdisho oo xaaladooda caafimaad dalka wax looga qaban waayay, kuwaasi oo lagu daweyn doono Isbitaallo ku yaala dalka Qatar.

Wasiir kuxigeenka Caafimaadka H.E. Osman Mohamed Abdi ayaa uga mahadceliyay Amiirka Dowladda Qatar HH. Sheikh Tamim bin Hamad bin Khalifa Al Thani iyo Ra’iisul wasaaraha Qatar HH. Sheikh Abdullah bin Nasser bin Khaliifa Al Thani dadaalka muuqda ee ay ku garab taagan yihiin Dowladda iyo Shacabka Soomaaliya , isagoo xusay in dhaawacyada lagu soo daweynayo dalka Qatar ay ku jiraan laba gabdhood oo Mataano ah oo isku dhegan .

Wasiir kuxigeenka Caafimaadka , waxa uu bogaadiyay kaalinta bani’aadanimo ee dadkani dhaawacyada ah ay ku daweyneyso dowladda Qatar , iyadoo Dowladaha Isutagga Imaaraadka Carabta iyo Boqortooyada Saudi Arabia ay sidoo kale ay daweynayaan dhaawacyada qaraxyo ka dhacay Muqdisho , kuwaasi oo hadda xaaladooda caafimaad ay ka soo reyneyso .

H.E. Osman Mohamed Abdi ayaa cadeeyay in Wasaaradiisu ay ku howlan tahay soo celinta adeegga iyo kaabayaasha caafimaadka dalka , si looga maarmo howlo caafimaad oo dalka dibaddiisa loogu safro .

Dhankiisa , Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga H.E. Ahmed Ali Mohamed ( Kediye) ayaa isna ka mahadceliyay taageerada joogtada ah ee Amiirka Dowladda Qatar iyo Ra’iisul wasaarihiisa ay la garab taagan yihiin Soomaaliya , isagoo xusay in Siihayaha Safaaradda Dowladda Qatar ee Soomaaliya Eng. Hassan bin Hamza Asad Mohammed uu kaalin firfircoon oo mug leh ka qaatay fududeynta in dhaawacyadani ay helaan daryeel iyo adeeg caafimaad oo dhameystiran .

Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga, waxa uu tilmaamay in dowladda Qatar oo Soomaaliya kala dhaxeeya xiriir taariikh qotodheer oo dhinacyo badan leh ay ka mid tahay dowadaha taageerayay dalka , si uu uga kabsado dagaalo iyo colaado ammaan darro sababay.

no images were found

Xafiiska Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda
Section of Press and Public Relations

Leave a comment

*

Archives
May 2015
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online