Wasiir ku Xigeenka Maaliyadda DFS oo ka qayb galay Shirkii Banigiga Hormarinta Africa

May 30, 2015 - Written by Editor

12Abidjan:-Ku xigeenka Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda FS mudane Maxamud Xayir ayaa magaalada Abidjan ee dalka Ivory Coast uga qayb galay shirkii sanad laha ahaa ee Banigiga Hormarinta Africa,

Shirkaana yaa ka duwanaa shirarkii hore, waxaana sanadkaan uu ku soo beegamay sanadguuradii 50 aad ee ka soo wareegatay asaaskii Bangiga Horumarinta Africa.

“Waxaa Abidjan ka dhacay shirkii sanadlaha ahaa Bangiga Horurinta Afirka ” African Development Bank ” Iyo dabaal degii sanadguuradii 50aad ee ka soo wareegatay asaasaka Bagiga, waxaa  kale ka dhacaday doorashadii Madaxaynaha Bangiga ee shanta sano ee soo socota, doorashaad oo ku dhacday loolan adag ayaa waxaa ku guulasatay Dr. Akinwumi A. Adesina oo ka soo jeeda wadanka Neyjeriya, wuxuuna noqonayaa Madaxweynihii  8aad ee Bangiga loo doorto” ayuu yiri Wasiir Xayir.

Dhanka kale Wasiirka ayaa sheegay in doorashadaan ay muhiimad gaar ah u lehayd habsami u socodka shaqada adag oo uu hayo Banigu qaarada Africa, iyo wadamada kale oo xubnaha ka ah, kuwaas oo gaaraya ilaa 80 Wadan, oo kaso kala jeeda qarada Africka iyo Aduunka intiisa kale.

Waftiga Soomaaliya uga qayb galay shirkaas ayaa xooga saaray sidi loo heli lahaa wadamo hormuuud ka noqada cafinta deeynta lagu leeyahay Soomaaliya, oo hada meel fiican maraysa, waxaana waftigu kulamo la qaatay Madaxda Bagiga, Wadama Soomaliya Daneeya, Ingiriisaka, Norway, Swede, Denmak Maryakanka  iyo Wadama IGAD.

—-Dhamaaad—-

Leave a comment

*

Archives
May 2015
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online