Wasiirka Arrimaha Dibadda DFS oo ka qeyb galay shirka Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka.

May 26, 2015 - Written by Editor

HADLIYEKuwait :-Wafdi balaaran oo uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga H.E. Dr. Abdusalam Hadliye Omer ayaa maanta gaaray Magaalada Kuwait ee caasimadda dalka Kuwait, halkaasi oo uu kaga qeybgali doono Shirka Wasiirada Arrimaha Dibadda wadamada Xubnaha ka ah Ururka Iskaashiga Islaamka.

Shirkaasi oo ah Wareegiisa 42,aad oo ay iskugu yimaadaan Golaha Wasiirada Arrimaha Dibadda wadamada Xubnaha ka ah Ururka Iskaashiga Islaamka , laguna wado inuu si rasmi u socdo maalmaha 27-28 bishan May , ayaa la qorsheynayaa in looga hadlo xaaladaha wadamada Soomaaliya , Palestine , Syria , Yemen , Libya, dhibaatooyinka lagu hayo Muslimiinta Rohingya ee wadanka Myanmar , Arrimaha Siyaasadda , Dhaqaalaha, Dhaqanka , Teknoloojiyadda iyo la dagaalanka argagaxisada .

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa shirkaasi ka jeedin doona khudbad uu kaga hadli doono horumarka siyaasadeed , nabad-gelyo , dhaqan , dhaqaale iyo bulsho ee Soomaaliya , isagoo muujin doona in Soomaaliya ay diyaar u tahay iskaashi sal balaaran oo ay la yeelato wadamada kala duwan ee caalamka Islaamka .

Dr. Abdusalam H. Omer ayaa ku dhawaaqi doona in dalkiisu u baahan yahay mashaariic horumarineed , dib u dhis , maalgashi iyo xoojinta awoodaha shaqo ee hey’adaha kala duwan ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya .

Waxaa la qorsheynayaa in mudada uu ka soconayo Shirkaasi Magaalada Kuwait, in Wasiirku la kulmo Dhiggiisa Wadamada Kuwait, Saudi Arabia , Qatar , Turkey , Algeria , Xoghayaha guud Ururka Iskaashiga Islaamka , diblomaasiyiin iyo qaar ka mid ah wufuuda shirkaasi lagu cazuumay .

Xafiiska Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda
Section of Press and Public Relations

Leave a comment

*

Archives
May 2015
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online