Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Sheegay in Wajiga labaad ee Shirka Cadaado uu Furmayo Axada

May 30, 2015 - Written by Editor

OdawaaCadaado:-Wasiirka Arrimaha Gudaha ee DFS C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) ayaa sheegay mar uu saaka warbaahinta la hadlay isaga oo ku sugan magaalada Cadaado in wajiga labaad ee shirka Maamul u sameynta gobalada dhexe uu furmayo maalinta Axadda ah , isagoo xusay in la xareeyey dhamaan ergooyinkii oo dhan .

Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Xukumadda Soomaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa oo haatan ku sugan Magaalada Cadaado ee Xarunta Maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa sheegay in la xaliyey dhamaan wixii khilaaf ah ee jiray  waxaana uu sheegay in lagu heshiisay sidoo kale qaabka loo dhisayo baarlamaanka loo sameynayo Maamulka G/dhexe.

Dhanka kale  Guddiga Farsamada ee Maamul u sameynta Gobolada Dhexe ayaa hadalkaasi ka hor yimid,waxaana Muuqda in uu jiro Khilaaf u dhexeeya  DFS iyo Guddiga Farsamada.

Guddoomiyaha Guddiga Farsamada ee Shirka ka socda Cadaado, Xaliimo Ismaaciil Ibraahim ayaa sidoo kale soo dhaweysay in shirka ka socday Cadaado uu u gudbay wajigii labaad waxaana ergada ay gaarayaan ilaa 300 ergo kuwaas ka socda beelaha degan gobalada Dhexe.

Dhanka kale waxaa jira Khilaaf u dhexeeya qaar ka mid ah gudiga farsamada ee Maamul u sameynta G/dhexe iyo Wasiirka arimaha gudaha ee DFS C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa)  waxaana warbaahinta la hadlay xogyaha guud ee shirka maamul u sameynta gobalada dhexe Axmed Dubad Cali ayaa sheegay in ay jiraan khilaaf loona baahan yahay in la xaliyo isaga oo intaas ku daray in cidii shirka furta ay qaadi doonaan wixii ka soo baxa.

Axmed Dubad Cali xogyaha guud ee shirka maamul u sameynta gobalada dhexe ayaa ugu baaqay wasiirada iyo xildhibaanada ka soo geeda G/dhexe ay yimaadaan Cadaado si loo xaliyo khilaafka jira .

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2015
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online