Wasiirka Arrimaha Gudaha S/land waan joojinay Qaxootiga Soomaalida ee ka imaanayey Yemen.[Dhagayso]

May 24, 2015 - Written by Editor

Waran-caddeHargeysa:-Wasiirka Arrimaha Gudaha S/land Cali Maxamed Waran Cadde oo maanta Shir jiraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ee Xarunta S/land ayaa sheegay in Soomaalida ka imaanaysa dalka Yeman ay joojiyeen in ay yimaadaan S/land isagoo arrinkaas ku macneeyey in Hay’addaha caalamiga ay diideen in dadka Soomaaliyeed ay caawiyaan iyo S/land oo wal wal ka qabta arrinta nabadgelyadda.

Wasiirka Arimaha Gudaha S/land Cali Maxamed Warancade ayaa sheegay laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 24/05/2015 ay xiran yihiin dekaddaha S/land oo aan loo ogolayn in ay yimaadaan Qaxootiga ka soo cararaya Dalka Yemen ee Soomalaida ah.

Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancade ayaa waxaa kale oo uu shirkiisa jaraaid ku sheegay in Soomaalida ka soo carartay dagaalada ka socda dalka Yeman ay wixii tabartood ah ay u qaban doonaa ka dib markii ay hay’adduhu diideen in ay caawiyaan Soomaalida.

Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancade ayaa sheegay in Somaliland ay soo gaareen dad Soomaali ah oo ka yimid dalka Yeman oo gaaray ilaa 3,000 oo qof.

Hoos ka dhagayso shirka jaraa’id Wasiirka Arimaha Gudaha S/land Cali Maxamed Warancade

[audio: http://k003.kiwi6.com/hotlink/r6zfnuvssq/warancadde.mp3]

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2015
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online