Wasiirka Deegaanka Dalxiiska iyo Duurjoogta PL oo xariga ka jaray Xafiiska wasaarada ee Gobolka Karkaar.[Masawiro]

May 4, 2015 - Written by Editor

Qardho:-Munaasabada xariga looga jarayay xaafiiska wasaarada Deegaanka duur jooogta iyo dalxiiska ee gobolka karkaar ayaa waxaa kasoo qaybgalay wasiirka deegaanka dalxiiska duurjoogta, wasiirka arimaha gudaha Masuuliyiinta iyo odayaasha gobolka karkaar iyo degmada Qardho masuuliyiinta Hay’ada care oo ahayd haya’dii maalgalisay Xafiiska iyo marti sharaf kale.

Duqa Degmada Qardho Maxamed Siciid Ciise oo ugu horayn munaasabada ka hadlay ayaa sheegay in xafiiskan uu muhimad gaar ah u leeyahay gobolka karkaar ayadoo gobolka uu yahay gobolka ugu daran xaga xaalufinta deegaanka waxaa kaloo gudoomiyaha uu sheegay in wasaarada deegaanka duurjoogta iyo dalxiiska ay tahay wasaaradaha aadka uga shaqeeya gobolka duqa degmada Qardho ayaa ugu dambayntii wasaarada ka codsaday in lasoo dhamaystiro adeegyada xafiiskan uu u baahan yahay.

Wasiirka deegaanka dalxiiska iyo duurjoogta dowlada Puntland Guuleed Saalax Bare oo xafladii lagu furayay xafiiskan ka hadlay ayaa sheegay in qorshohooda yahay inay dhamaan 9 gobol ee Punland iyo degmooyinkoodaba ay ka furi doonaan xafiiska wasaarada si looga maarmo buu yiri in marwalba lala xiriiro caasimada Garowe, wasiirka ayaa dhamaan dadkii kasoo qaybgalay munaasabada furitaanaka xafiiska wasaarada kula dardaarmay inay ka qaybqaataan ilaalinta deegaanka.

Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee dowlada Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo munaasabada ka hadlay ayaa bogaadiyay waxqabadka wasaarada deegaanka wuxuuna ka markhaati kacay in waxqabadka wasaarada aan lagu soo koobi Karin dhowr khudbadood oo laga jeediyo munaasabadah.

Qaar kamid ah odayaashii kasoo qaybgalay munaasabada furitaanka xafiiskan cusub ayaa amaan iyo mahadcelin balaaran u jeediyay wasaarada uu hormuudka u yahay Wasiir Guuleed Saalax Barre waxayna wasiirka ka codsadeen in dadaalka uu ka wado deegaanka uu sii labajibbaaro waxqabadkoodana ay halkaa ka sii wadaan.

Markii aysoo dhamaatay munaasabada wasiirada waxa ay kormeer kutageen Beerta kobcinta dhirta ee degmada Qardho, waxa ay sidoo kale soo indh indheeyeen geedaha lagu beeray hareeraha laamiyada cusub ee laga hergaliyay magaalada Qardho iyo goobo kale gabagabadii safarkoodana waxa ay maamulka degmada kala saxiixdeen mashruuca maamul baahinta Maaraynta kheyraadka dabiiciga ah waana mashruucii ugu horeeyay oo nociisa laga hergaliyo deegaanada Puntland.

no images were found

Halgan.net
Qardho ,Somalia

Leave a comment

*

Archives
May 2015
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online