Wasiirka Gaashaandhigga DFS oo gaaray magaalada Kismaayo.[Masawiro]

May 18, 2015 - Written by Editor

IMG_2897Kismaayo:-Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini, ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo kusoo dhaweeyeen masuuliyiin ka tirsan maamulka KMG ah ee Jubbooyinka.

Wasiirka Gaashaandhigga Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini, ayaa magaalada Kismaayo u tagay barnaamijka isku dhafka ciidamadda, kaas oo dowladda Soomaaliya ay dadaal ugu jirto sidii dalku u yeelan lahaa ciidan qaran oo isku dhafan iskuna dheeli tiran.

Hoggaamiyaha Maamulka Jubbooyinka Sheekh Axmed Maxamed Islaam, ayaa sheegay in wasiirka ay ku gacan siin doonaan isku dhafka ciidamadda, isagoo dhinaca ku ammaanay dadaalkii dheera uu Wasiirku usoo galay dib u xoreynta gobollada Jubbooyinka xiligii ay socdeen dagaalladii u dhexeeyay kooxda Al-shabaab iyo Ciidamaddii Huwanta ee xoreeyey qaybo kamid ah gobollada Jubbooyinka.

Ugu danbeyn, Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane C/qaadir Sh. Cali Diini, ayaa sheegay in Soomaaliya waqtiga ay ka gudbayso ciidamadii magacyada kala duwan lahaa isla markaana u gudbayso ciidan qaranku leeyahay kuwaas oo bulshada qeybaheeda kala duwan ay ka dhex muuqan karaan.

“Maanta waxaan usoo gaaray magaalada Kismaayo, barnaamijka isku dhafka Ciidamadda oo ah mid muhiim noo ah, intaan joogno magaalada Kismaayo waxaan is arki doonaa hoggaanka iyo qeybaha bulshada ee Jubbooyinka. Dowladda Soomaaliya iyo madaxda maamullada dalku waxay horey u gaareen heshiis ku aadan dhismaha ciidan qaran oo isku dhafan, waana taas midda aan maanta halkan u imid dhamaystirkeeda”ayuu yiri Wasiirka Difaaca Mudane C/qaadir Sh. Cali Diini.

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa sii joogi doona magaalada Kismaayo muddo 10 cisho ah, waxana uu kulamo la qaadan doonaa qeybaha bulshada, si loo dhageysto dareenka shacabka.

no images were found

—DHAMMAAD—

Ahmed Mohamed
Ministry Of defense

Leave a comment

*

Archives
May 2015
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online