Wasiirka Waxbarashada PL oo ka qayb galay Munaasabad Shahaadooyin lagu Gudoon siinayay 78 Arday.[Masawiro]

May 26, 2015 - Written by Editor

IMG_6718Qardho:-Munaasabada shahaadooyinka lagu gudoonsiinayay 78 ka arday ee dhamaysatay xirfadaha kala duwan ee kala ah Dawaarka, Qurxinta Dumarka, Faarada, Office Management iyo Ganacsiga ayaa waxaa kasoo qaybgalay wasiirka wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee dowlada Puntland Cali Xaaji Warsame, Masuuliinta degmada Odayaasha, masuuliyiinta Hay’adihii maalgaliyay mashruuca, Masuuliyiinta NGO ga PDO oo ah NGO ga fulinayay mashruuca iyo waxgarad kale.

C/qaadir Yaasin Maxamed oo ah Madaxa NGO ga PDO oo ugu horayn munaasabada ka hadlay ayaa sheegay in ardaydan maanta shahaadooyinka la gudoonsiinayo ay yihiin arday leh xirfado ay ku shaqaysan karaan wuxuu sidoo kale sheegay in tababarka ardaydan uu soo socday mudo sanad ah ayadoo ardayda ay Barteen waxyaabo kala duwan.

C/qaadir Yaasiin ayaa sheegay ardaydan in markii hore ay ahaayeen 80 arday maantana ay qalin jabinayaan 78 arday 2 ka mid ah ardayda ay u saamixi wayday inay dhamaystaan tababarka, asagoo hadalkiisa sii wata ayaana yiri marka aad eegtid tirada ardayda barnaamijka ka hartay oo ah laba arday ayaa muujinaysa in barnaamijkan uu ahaa mid faa’iido wayn u leh ardayda.

Madaxa NGO ga PDO oo faahfaahinaya qaabkuu u soo socday barnaamijkan ayaa sheegay in ardaydan markii hore ay qaateen duruus lagu kobcinayo gaaraadka iyo maskaxda ardayda waxayna socotay mudo 4 bilood ah kadib ardada ayaa usoo gudubtay 2 bilood oo ay qaadana yeen maamulka iyo ganacsiga, markii ay labadaa bilood ay dhamaysteen 14 ka mid ah ardayda ayaa lagu doonsiiyay lacag $500 oo ay ganacsi ku samaysteen maantana ay yihiin rag tujaar ah oo shaqaysta ardaydii kale ee soo hartay ayaana baratay farsamooyinka gacanta ee kala ah Dawaarka, Faarada, Qurxinta Dumarka iyo farsamooyin kale, wuxuuna gabagabadii hadalkiisa u mahadceliyay dhamaan Hay’addihii ka qayb qaatay socodsiinta Mashruucan iyo Dowladda Jabaan oo bixisay lacagta ku baxday mashruuca.

Maamulaha Shirkada Golis Axmed Cawaale iyo Masuuliyiinta Degmada oo munaasabada ka hadlay ayaa amaan u jeediyay dhalinta baratay xirfadaha kala duwan waxayna sheegeen in magaalada ay si wayn ugu baahnayd rag xirfad leh ardada maanta dhamaysatayna ay ka qaybqaadan doonaan yaraynta shaqa la’aata haysata dhalinta, waxayna xuseen maadaama ay goobo muhiim ah ay joogaan in ay ka qaybqaadan doonaan sidii shaqo abuur loogu samayn lahaa jiilka maanta fursada u helay inay dhamaystaa farsamooyinka kala duwan.

Qaar kamid ah dhalintii kafaa’idaysatay mashruuca ayaa sidoo kale goobta ka akhriyay buraanburo iyo kalimado ay ku amaanayaan xirfadihii kala duwanaa ee ay barteen waxayna ku booriyeen jiilka ku baaba’aya badaha iyo saxaraha in wadankooda ay fursado badan ay ka banaanyihiin oo wadanka u baahanyahay kaliya rag xirfad leh oo wax kasoo saara qaarkood ayaa sheegay mudadii uu socday tababarka inay magaalada ka heleen shaqooyin kala duwan taana ay keentay farsamadii ay barteen maanta oo ay qalinjabiyeena ay rajaynayaan wax ka badan, waxayna mahadcelin balaaran u jeediyeen dhamaan dadkii ka qaybqaatay barnaamijka.

Wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare ee dowlada Puntland Cali Xaaji Warsame oo soo gunaanuday xaflada shahaadooyinka lagu gudoonsiinayay 78 ka arday ee baratay xirfadaha kala duwan ayaa sheegay in maanta xirfada ay tahay wax muhiim, wadamada badan oo aan lahayn wax kheyraad ah manta ay ku horumareen Xirfad sidaa daraadeed loo baahanyahay in dhalinta lagu dhiiragaliyo inay bartaan xirfadaha ka wasaarad ahaana ay wadaan olole lagu soo celinayo iskuuladii farsamada gacanta wuxuuna gabagabadii hadalkiisa u mahadceliyay Eng. C/qaadir Yaasiin Maxamed oo ah Madaxa NGO ga PDO oo masuuliyad gaar ah iska saaray sidii loo horumarin lahaa farsamooyinka Gacanta iyo sidii shaqo abuur loogu samayn lahaa dhalinta.

Gabagabadii munaasabada wasirka waxbarashada ayaa ardaydii dhamaysatay xirfadaha halkaa ku gudoonsiiyay shahaadooyinkoodii loogu talagalay.

no images were found

Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2015
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online