Xildhibaan Yuusuf Maxamed Dirir oo lagu dilay Muqdisho

May 23, 2015 - Written by Editor

bistaMuqdisho:-Waxaa maanta lagu dilay magaalada Muqdisho Xildhibaan Yuusuf Maxamed Dirir xili koox hubaysan ay ku weerareen isagoo maraya Wadada Makka Al-Mukarama ayna u geysteen dhaawac uu markii danbe uu u geeriyooday.

Xildhibaan Yuusuf Maxamed Dirir ayaa waxaa la socday markii la weeraray Xildhibaan Cabdalla Boos oo uu soo gaaray dhaawac fudud.

Guddoomiyaha Baarlamaanka dowladda Federaalka Soomaaliya Prof. Maxamed Sh. Cusmaan Jawaari ayaa ka tacsiyadeeyay geerida ku timid Xildhibaan Yuusuf Maxamed Dirir isagoona caafimaad Alle uga baryey Xildhibaan Cabdalla Boos oo dhaawac uu soo gaaray.

Guddoomiyaha Baarlamaanka dowladda Federaalka Soomaaliya Prof. Maxamed Sh. Cusmaan ayaa yiri ‘”Innaa Lillaahi waa Innaa Ileyhi Raajicuun Xildhibaan Yuusuf Maxamed Allaha u naxaristo dalkiisa ayuu u shaqaynayey.

Kooxda dishay Xildhibaanka ayaa waxaa la sheegay in ay wateen gaari kuwa gurmadka deg deg ah ee loo yaqaan Ambalaasta iyagoo isla markiiba goobta ka baxsaday , Ururka Al-shabaab ayaa sheegtay in ay ka danbeeyeen dilka Yuusuf Maxamed Dirir iyagoona u goodiyey Xildhibaanada kale ee ka tirsan Baarlamaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2015
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online