Dacwada & Arrimha Bulshada (Tusaalaha Qaxootiga Yeman) W/Q Mahdi Muse

June 5, 2015 - Written by Editor

Maqaal-300x158Erayga dacwo ha ahaado mid soomaali ku cusub, oo la fac ah biloowga baraaruga islaamka ee Soomaaliya, hadana waxa uu dhigay raad reeb, kaa oo saameyn badan ku yeeshay bulshada soomaaliyeed, si gaar ah qofka soomaaliga ah, doorkii culumada ee ku jaan go,naa ducada & faataxa qaadashada, waxaa badalay in culumadi dacwada ay noqdaan xubno aan looga maarmin masiirka u madda, halka dhalintii suuqa & xaafadaha yaaceysana ay noqdeen hal doorro qoyskooda ka muuqda, una taalaabay wax tar & taban taab bulshada soomaaliyeed.

Baarayaasha dacwada odorosa waxa ay qabaan dareen ah, in ehelka dacwadu ay ka gaabiyeen arrimaha bulshada, dadaalka dacwaduna uu u muuqdo mid ku eg cibaadaadka & muuqaalka guud ee qofka muslimka ah, guuxa ugu badan waxa uu ahaa, in dhaqanka tiro badan oo ehelka dacwadu uu ka duwan yahay macnaha islaam ee qoran(Naxariista, Ixtiraamka, dulqaadka,qadarinta) sidoo kale waxaa jira dhaliil ah in dacwadu ay ka gaabisay arimaha bulshada, sida : Xalinta arimaha qoyska, ee natiijadeeda xun ay soomaali hareeysay, daryeelka dumarka & qadarinta xaquuda gabdhaha muslimka ah, inta shareecadu u dajisay, daryeelka caruurta suuqa, & kuwa aan aabaha la heyn, caawinta dadka dhibaateysan ee musiibo ama faqri hareeyay, sameynta tiro koobyo bulshada dhaxal gal u nqoda, sida : midka dadka , si gaar ah tirada caruurta, muuqaalada xun ee deegaan walba & sababaha keena., Baraarujin caafimaad, ha ahaato nadaafada, daryeelka guud Iwm.

Qaxootiga soomaali ee ka soo qaxay dalka Yamen, gurmad baaxad weyn ayeey ka heleen bulshada degaanka Punt Land & waliba maamulkooda. Culumadi wadanka ayaa horseed ka ahaa, fariinti Sheekh Daahir la ilmeeyay, waxa ay aheyd mid xambaarsan macno islaanimo oo huwan mid insaanimo, waxa ay xariiqday in magaca soomaali uu leeyahay qalbi jilicsan oo naxa, taa oo na halmaansiisay soomaaligi walaalkii sooman oo ashaahadanaya dilay!!!

Minhaaj waa Mu,asaso Dacwo, haddana door aan la halmaami karin ayeey ka qaadatay dadaalkii loogu gurmaday walaalaha soomaaliyeed ee dalkooda dib ugu soo noqday, Minhaaj wax badan ayaan ku maqlnay, laakiin sida ay ugu gurmadeen walaalahood soo qaxay, waa calaamad muujinaysa in ehelka dawacadu ay awoodaan-awoodina doonaan- wax tarka bulshadooda dhan walba, taas oo ah sawir tusaya in dacwadi lagu lammaaniyay wax qabad bulsho. Waan rajeynaynaa in magaca minhaaj loo badiyo macnaha insaanimo, si,ay dhex taal ugu noqoto tirada Masajidda joogta & inta ka fog .

Sheekh fu,aad Maxamud Xaaji Nuur waa matalaha shirkadda Golis, haddana ka mid ah ducaadda gobolka. Waxa aan ku aqaan dadaal dacwo oo rubuc qarni dhaafay. ma harsan, mana ka caajisin in uu taagnaado waqti badan, oo ay goortiisu tahay saacadihii Boosaaso ugu kululaa.

Sheikh Fu,aad waxa alla qadaray in uu hor fariisto Axmadeey Abuubakar, oo laga yaabo in waayo waayo uu codkiisa faneed maqli jiray, hadii uu san dhageysan jirin, laakin maanta u heelan in uu gaar siiyo hibada caawin ee uu walaalhiis Golis ka sido.

Fariinta Sheekh Fu,aad & taakulada Golis ma lahan macno gar gaar oo kaliya, waxaa dheer in ay booska ka xireen intaa oo qof & tiro NGO ah oo dantooda ku quudan lahaa, taa oo na siineysa qanaaco ah in dadaalki dacwo uu u talaabay midki bulsho ee mudada lagu taamayay. (Allaha Caawiya inta bulshada caawisa )

Mahdi Muse

Leave a comment

*

Archives
June 2015
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online