Jamciyadda Alamrubilmacruf wannahi canilmunkar oo dad danyar ah ku afurisa maalin walba Garowe [Masawiro]

June 30, 2015 - Written by Editor

IMG_0240-450x300Garoowe:-Jamciyadda Alamrubilmacruf wannahi canilmunkar ayaa tan iyo markii uu bilowday Bisha Ramadaan waxay magalada Garowe ku afur siisay maalin kasta dad u dhaxeeya 300 ilaa 400, kuwaasoo ka mid ah dadka danyarta ah ee aan awooda badan u haysan inay helaan dhaqaalaha ay ku afuraan.

Dadkan ayay Hay’addu ku afur iyo casho siisaa xarunta Iskuulka Al-xigma oo ku yaala Xaafada Hodan
ee magalada Garowe, culimadda Hay’adda oo warbaahinta kula hadlay galabta xarunta Iskuulka ayaa umadda Soomaaliyeed ee Islaamka ah ugu baaqay inay ka qayb qaataan sidii dadkan loogu dhamayn lahaa bisha Ramadaan Afurinta maadama aysan awood badan u haysan inay helaan dhaqaalo ku filan.

Sh.Yaasiin Cabdullahi Cali ayaa sheegay dadkan inay u heli karaan ilaa iyo hadda shan bari oo soo socota dhaqaalihii ay ku afuri lahaayeen balse loo baahan yahay in dadka awooda dhaqaalaha inay kasoo qayb qaataan inta ka harsan bishaan in afurinta loogu dhameeyo, wuxuna tilmaamay inay ka go’an tahay mar kasta in dadka maatada ah wax loo qabto oo la garab istaago.

Shiikh Jaamac Yaasiin ayaa ka waramay fadliga iyo ajarka ay aad illaahay kaga helayso haddii aad qof sooman afuriso oo aad hadana cashada ugu darto, wuxuna sidoo kale u mahad caliyay umadda Soomaaliyeed ee ragga iyo dumarka isagu jira ee dhaqaalaha kusoo bixiyay inay walaalahooda taagta daran afuriyaan.

Madaxa Hay’adda wanaag farida iyo xumaan reebida Puntland Shiikh Maxamed Xamari ayaa u mahad celiyay shacabkii dhaqaalaha soo gaarsiiyay hay’adda waxa kale uu sheegay inay xaaladu marayso meel wanaagsan balse loo baahan yahay inay bishan dhaqaale kale shacabka Soomaaliyeed ee awooda soo gaarsiiyaan Mu’asada si dadka loo afur siiyo.

Fadlan walaal haddii aad wax la baxayso fadlan wac culimaddan ama xawaaladaha hoos ku qoran waxaad awoodo kusoo shub. AFURI WALAALKAAGA SOOMAN”. Malitii $ 3 doolar . Haddaba walaalaha danaynaya inay Alle ugu dhawaadaan afurinta walaalahooda sooman waxay ku soo aadin karaan lacagta ay la baxayaan:-

Ama akoon amal -0778- dahabshiil -1831

Walaalayaal, innaga oo dareensan ajarka faraha badan ee qofka muslimka ahi ka helayo afurinta walaalkiisa muslmka ah ayaa waxaa laga codsanayaa walaalaha in ay qayb laxaadle ka qaataan shaqadan
Jamciyaddu waxay diyaarisay sidoo kale dhammaan agabkii, qalabkii ay ku afuri lahaayeen dadkaasi, iyadoo sidoo kale diyaarisay dadkii raashinka samayn lahaa iyo xarumo loogu talagalay inay dadkaas ku afuraan.

Wixii faahfaahina oo arintaan ku saabsan waxaa laga xiriiri karaa guddiga hawsha oo kala ah:-

1. Sh. Yaasiin Cabdullahi Cali 7 724462

2. Sh. Jaamac Siciid 7 754585

3. Maxamed Xamari 7 746674

no images were found

Nuur Jaamac
Garowe,Somalia

Leave a comment

*

Archives
June 2015
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online