Madaxweynaha Puntland oo dib ugu laabtay magaalada Garoowe (Masawiro)

June 1, 2015 - Written by Editor

IMG_6373Garoowe:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 1-6-2015 dib ugu soo laabtay magaalada Garoowe ee caasimadda Dawladda Puntland , kadib howlo shaqo oo muhiim ah oo uu ugu maqnaa Gobolada Bari iyo Karkaar.

Madaxweynaha iyo wefdiga uu hogaaminayey oo ka soo kictimay xili hore saaka magaalada Boosaaso ayaa waxaa ay ku soo hakadeen muddo kooban magaalada Qardho ee xarunta Gobolka Karkaar oo uu madaxweyne Gaas ku dhagax dhigay dhul ay dawladu ugu talagashay qaxootiga Yemen ee ka soo cararaya dagaalada ka soconayaa dalkaas.

Wasiiro, Xildhibaano, Waxgarad iyo bulshada qeybaheeda kala duwan ayaa ka qeyb galay munaasibad kooban oo loo qabtay dhagax dhiga dhulkaa, waxaana uu Madaxweynuhu madasha ka sheegay in dawladda iyo shacabka reer Puntland ka go’antahay isgarabtaaga walaalahooda Yemen .

Intaa ka did ayaa madaxweynaha dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefdigii uu hogaaminayey u soo ambabaxeen magaalada Garoowe, waxaana si weyn duleedka magaalada ugu soo dhaweeyey Wasiiro iyo masuuliyiin kale duwan .

no images were found

Mudadii uu Madaxweyne Gaas ku maqnaa magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari waxaa uu booqday xarumaha dawladda , sidookalana waxaa uu isbadal ku sameeyey maamulka Gobolka iyo kan degmada Boosaaso.

-DHAMMAAD-

Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta,Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

Leave a comment

*

Archives
June 2015
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online