Qardho oo mudooyinkii u dambeeyey horumar balaadhan Samaysay.[Masawiro]

June 2, 2015 - Written by Editor

2Qardho:-Magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar ayaa mudooyinkii u dambeeyay samaynaysay horumaro balaaran oo ku aadan koboca dhismayasha magaalada iyadoo magaalada lagu arkayo dhismayaal cusub oo ka duwan kuwii hore .

Horumarada magaalada waxaa si doo kale hareer socda dhismaha laamiyada iyadoo magaalada qardho hada leedahay lix laami oo dhexmara magaalada qardho dhamaan wadooyinkaas ayaa waxaa si wayn isaga kaashaday Dowlada hoose ee degmada Qardho, Dowlada Puntland, Barnaamijka JBLG, Bulshada iyo shirkadaha magaalada oo ay ugu horayso Shirkada Isgaarsiinta Golis laguna yaqaan ka qayb qaadashada arimaha bulshada, sidoo kale magaalada ayaa laga hergaliyay Mashruuc baalayaal ifiya magaalada oo amaanka wax wayn ka badalay.

Magaalada ayaaa sidoo kale horumar balaaran ka samaysay dhanka Hoteelada, waxaa laga dhisay hoteelo aad u waawayn oo ay u dhamaystiran yihiin dhamaan adeegyada kala duwan ee laga helo hoteelada caalamiga ah, Gegida diyaaradaha magaalada Qardho ayaa isna sidoo kale ah meelaha la howlgaliyay mudooyinkii u dambeeyay waxaana howlgalintiisa iska kaashaday shacabka gobolka Karkaar, dowladda Puntland, Qaar kamid ah shirkadaha sida shirkada isgaarsiinta Golis.

Shirkada isgaarsiinta Golis ayaa dhankeeda isbedel wayn ku samaysay dhamaan adeegyadeeda kala duwan sida adeega Internet ka, ku hadalka, Xawilaada lacagaha, waxaa kale oo isbedel wayn iyo dib u habayn lagu sameeyay dhismaha xarunta laguna soo kordhiyay goobo cusub oo dadka looga adeego sidoo kale goobo ay ku nastaan macaamiisha.

Axmed Cawaale Gaare oo ah Masuulka shirkada Golis Gobolka Karkaar oo aan ka waraystay waxqabaka shirkada ee gobolka iyadoo uu bilowday xiligii xagaaga oo ay magaaladu u soo xagaa baxeen dadwayne aad u fara badan oo kasoo xagaa baxay Magaalada Boosaaso dhowaana la rajaynayo in magaalada Lasoo dajiyo qoxootiga Yamaniyiinta ee kasoo Barakacay dalka yaman Sh. Axmed Cawaale ayaana ii sheegay in Shirkadda ay aad ugu diyaar garowday sidii ay u qancin lahayd Macaamiisheedii hore ee gobolka Karkaar iyo macaamiisha cusub.

wuxuuna xusay inay marwalba u taaganyihiin inay bulshada ka haqab tirayaan adeeg kasta, wuxuu kale oo sheegay inay marwalba Bulshada ay lagarab taaganyihiin Caawinta Dadka tabaalaysan iyo ka qayb qaadashada horumarka Bulshada, waxaa sidoo kale xusid mudan Xarunta Shirkada waxaa degan oo ka howlagala Bangiga Salaam Bank, bangiga ayaana bulshada gobolka karkaar u qabta howlo fara badan oo la xiriira lacagaha iyo maalgalinta fikradaha ganacsi wuxuuna u sahlay macaamiisha inay sahalkooda ka adeegsadaan Akoonkooda Bangiga ayagoo isticmaalaya adeega KAAFTOON iyo E-DEPOSITE.

Guud ahaan markaad eegtid magaalada waxa uu horumarka ka socdaa dhan walba ayadoo xiliga aan ku jirno yahay xili roob hadana waxaa guud ahaan gobolka ka da’ay Roobkii Guga waxaa hareeraha magaalada yaala Biyaha Roobka iyo doog.

no images were found

Qardho-Puntland

Leave a comment

*

Archives
June 2015
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online