Ra’iisu wasaaraha DFS oo dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho.[Masawiro]

June 2, 2015 - Written by Editor

4Muqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr.Cumar Cabdi rashid Cali Sharmaarke iyo wafti uu hogaaminayo ayaa maanta oo Salaasa ah dib ugu soo noqday magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Waftigiisa ayaa ku sugnaa labadii maalmood ee la soo dhaafay degmada Cadaado oo uu ka socdo shirka maamul u samaynta Gobolada Dhexe, waxaana Ra’iisul Wasaaruhu kulamo la soo qaatay Gudiga Farsamada, Odayaasha Dhaqanka, Siyaasi yiinta, Ururada Haweenka iyo madax ka tirsan maamulka Ximin iyo Xeeb.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in howlo badan oo muhim u ahaa geedi socodka dhismaha maamulkan ay qabsoomeen isagoo mahadcelin u jeediyey maamulka Ximan iyo Xeeb oo marti galiyey qabsoomida shirka Cadaado.

R/Wasaaraha ayaa saaka la kulmay guddiga farsamada shirka maamul u sameynta Gobollada Dhexe, waxana halkaas ka hadashay Guddoomiyaha guddiga Marwo Xaliimo Yarey oo R/Wasaaraha uga warbixisay shaqooyinka u qabsoomay guddiga iyo kuwa ka dhiman, waxana sidoo kale R/Wasaraha sheegay in guddiga laga sugayo dhameystirka iyo sixida howlaha shirka, isla markaana xukuumadu ay garab taagan tahay.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Cumar wuxuu kulamo la qaatay Odayaasha dhaqanka oo uu kula dar-daarmay in ay iska ilaawaan wixii khilaafaad ah, meelna uga soo wada jeestaan dhamay tirka howlaha baaxada leh ee shirka horyaala.

Ugu danbayntii R/Wasaaraha ayaa sheegay in muddo dhow lasoo afmeeri doono wajiga labaad ee shirka, loona gudbi doono dhamaystirka howlaha harsan.

no images were found

—DHAMAAD

Leave a comment

*

Archives
June 2015
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online