Ramadaan soo dhawoow W/Q Sheekh Fu,aad Maxamuud Xaaji Nuur

June 14, 2015 - Written by Editor

maqaalBoosaaso:-Waxaa kaabiga ina saaray bishii barakaysnayd ee Ramadaan, waa maalmo tirsan oo durba ina dhaafaya, waxaa ku kaydsan khayr aad u mug weyn, waxaase la rkaa in ay in badan oo muslin ah ay sahal u waydaarato, qaar badan waxay ku sooraan bishaan cunto nooc nooc ah iyo baashaal aan loo meel dayin, kuwo ayaa hurdo isu diyaarinaya oo laga yaabaa in ay bishaan fasax ka soo qaataan goobahooda shaqada.
Waxaa habboon in qofka muslinka ahi uu dadaalo, in uu ka mid noqdo kuwa guulaysta oo khayrku summadda u yahay.
Allaah wuxuu yiri: (Arinkaas ha u baratameen kuwa tartama) Almudafifiin 26.
Nabiga SCW wuxuu yiri: (Khayrka fala sannadkiinna oo dha, u banbaxa neecawda naxarriista Alle, Alle wuxuu leeyahay neecaw naxariistiisa ka imaanaysa oo uu ku asiibo cidduu doono oo addoomadiisa ka mid ah, waydiista Alle in uu asturo ceebihiinna, oo uu idinka nabad galiyo argagax) Alsilsilah Alsaxiixah 4/511.

Waxyaabaha mudnaanta leh ee ay tahay in bisha Ramadaan lagu soo dhaweeyo waxaa ka mid ah.
• Duco aynu Alle ka baryeyno in uu inaku simo bisha ramadaan, Salafkii ummaddu waxay ahaayeen kuwo aad ugu ducaysta in la gaarsiiyo Ramadaan misana waxay weydiisan jireen Alle in uu ka aqbalo, haddaba haddaad la kulantid bilashada Ramadaan dheh sidii Nabigu SCW oranjiray (Alloow ay barwaaqo, iimaan, nabad iyo islaam noogu bilataa, rabbigaa iyo rabbigay waa Allaah) Saxiixul jaamic, tirsiga 4726.

• Mahadin laga shukriyo in Alle ku gaarsiiyey Ramadaan waayo dad badan oo sannadihii hore kula soomayey oo kugu dhinac tukanayey ayaan fursaddaan helin oo aakhiro aadey, Imaam Alnawawi wuxuu yiri: (Ogoow waxaa habboon in qofkii Alle usoo celiyo nimco muuqata ama laga difaaco dhib muuqda in uu u sujuudo Alle shukri dartii ama uu ku ammaano Alle amaan u qalanta) Al-adkaar.

• Nabigu SCW wuxuu yiri asagoo bishaaraynaya Ramadaan dartii (Waxaa idiin yimi bishii Ramadaan, waa bil barakaysan, waxaa Alle idinku waajibiyey in aad soontaan, waxaa la furaa Albaabada jannooyinka, waxaa la xiraa Albaabada Jaxiima) waxaa soo saaray Imaamu Axmad. Salafkii ummadda asxaabtii iyo dadkii xigayba waxay ahaayeen kuwo aad u tixgaliya bisha Ramadaan, ku farxa bilashadeeda, dhab ahaan farxad ka weyni ma jirto bilashada ramadaan waayo waxaa ku dheehan khayr lixaad leh oo waxaa soo dega naxriista Alle, maxaad u malaynaysaa marti aadan waayo badan arag oo goor galab ah kuu timid sidee baad yeeli lahayd?.

• Barashada iyo u dhug yeelashada axkaamta ramadaanka maxaa yeelay haddii qofku uu Alle cilmi la’aan ku caabudo waxaa la arkaa in uu bi’iyo wax badan oo markaas uu hungoobo, waxay oran jireen culimadu dadku waa saddex, Caalim, Mutacalim (Arday) iyo mid hoogay.

• In aad isu diyaarisid in aad waqtiga ramadaan oo dhan aad ku cammirtid cibaado iyo camal suubban.
• Waa in aad go’aan adag ku goysaa in aad ka fogaatid dambiyada, towbadda aad u deg degtid, dambiyadii hore aad faraha kala baxdid, ka qoomamaysid oo aadan dib dambe ugu noqon, waa bil khayr oo ay tahay in laga faa’ideysto.
• Haddaad tahay Samefare (Daaci) diyaarso duruus koob kooban oo aad bulshada u gudbisid gaar ahaan xilliyada salaadaha dabadooda, u qareen masaakiinta iyo fuqarada aan waxba haysan si loo afuriyo bishaas.

• Furo bog cusub oo nadiif ah, u noqo rabbigii ku abuuray, raac waddadii nabi Muxamed SCW, waalidka u baarri noqo, bulshada aad la nooshahayna wanaag kula dhaqan wixii ismaandhaaf ahaana is afgarad ku beddel.
• Alle u baraxtir cibaadada soonka iyo camalladaada oo dhan, in aad niyadda Alle uun ku qabatid waxaa lagu gaaraa in Alle kaa aqbalo camalkaaga, in lagu solansiiyo tubta toosan, Ibnul qayim ayaa yiri: (Hadba niyadda addoonku intay le’egtahay oo go’aankiisu qoto le’egyahay ujeeddadiisuna daarantahay ayaa waafajintiisuna (Tawfiiqdiisu) ku jaan go’antahay).
• U laabxaarnow muslinka oo dhan, Nabiga SCW ayaa yiri: (Alle wuxuu daalacdaa uunka oo dhan habeenka kala bara bisha shacbaan, wuxuu Alle u dambi dhaafaa uumiyihiisa oo dhan marka laga reebo Mushrigga Alle cid ku lara iyo mid walaalkii muslin ah niyadda xumaan ugu haya) Saxiixu Altarqiib wa Altarhiib.
• Ilaalinta waajibaadka Alle oo dhan gaar ahaan salaadaha iyo jamaca oo latago, yaan wax ajar ahi ku dhaafin bishaan barakaysan, gaboodfalkana aad uga feejignow.
• Isku day in aad isku laylidid salaadda habeenka (Taraawiixda) si aad u qaayibtid inta sannadka ka harsan, badi baryada Alle, qur’aanku hakuu nooqdo wardi joogta ah.

• Dib u xisaabtan, xaggee ka joogtaa rabbigaa agtiisa?, maxaad khayr fashaa?, dunuubtaadu intee le’egthay? Iyo su’aalo kale oo badan is weydii, dabadeed toosi naftaada si aad figta sare uga gashid imtixaanka Ramadaan, ogoow Iimaanku toosnaanta waa ku kobcaa, dunuubta iyo xumahana waa ku weydoobaa.

• Ka fogoow in aad Alle cid ku lammaanisid mar walba iyo meel walba, iska ilaali bidcada oo ku gaabso wixii suubbanaha SCW ka sugnaaday.

• Isku day in aad afurisid cid uun ka mid ah muslimiinta aan wax hayn, Nabigu SCW wuxuu yiri: (qofkii afuriya qof sooman ama tabantaabiya nin duullaan gelaya wuxuu helayaa ajarka qofkaas uu afuriyey ama tabantaabiyey oo kale).Saxiixu Aljaamic.
Ugu dambayn dhexda u xiro in aad ka mid noqotid kuwa loo dambi dhaafayo, cadaabka laga xoraynayo, jannadana lagu sooryeynayo.

W/Q Sheekh Fu,aad Maxamuud Xaaji Nuur
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
June 2015
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online