Xafladii 1 luuliya oo caawa lagu qabtay xarunta madaxtooyadda ee dowladda Puntland.[Dhagayso]

June 30, 2015 - Written by Editor

GaasGaroowe:-Waxaa caawa ka dhacday xarunta madaxtooyadda ee dowladda Puntland munaasabad lagu weynaynayey xuska maalinta 1 luuliyo oo ku beegan sanad guuradii 55-aad ee ka soo wareegatay markii ay xornimada qaateen gobolada Koonfureed ee Soomaaliya iyo weliba midowgii Waqooyi iyo Koonfur Soomaaliya.

Munaasabadaan ayaa waxaa ka soo qayb galay Xildhibaano, wasiiro , Issimo Saraakiil ciidan maamulka Gobolka Nugaal iyo bulshada qaybaheed kale duwan waxaan xaflada khudbad dheer ka soo jeediyey Madaxweynaha dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ku dheeraaday ahmiyada ay maanta oo kale u leedahay umada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha dowladda Puntland Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa umada soomaaliyeed guud ahaan gaar ahaan reer Puntland ugu hambalyeey munaasabada 1 luuliyo isagoo Soomaali ugu duceeyey in sanadka danbe alle ku gaarsiiyo wanaag iyo horumar dowladnimo.

Madaxweynaha dowladda Puntland Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa khudbadiisa caawa uu uga hadlay arrimaha maamul u samaynta Gobollada dhexe isagoo dhaliil u soo jeediyey madaxda Dowladda Federaalka oo uu ku eedeyeey in jabiyeen Dastuurkii dalka Soomaaliya ee hishiiska lagu ahaa.

Madaxweynaha dowladda Puntland Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa xusay in deegaanada Puntland nabadeeda iyo horumarka iyo xuduudeedaba cidna aysan kala gorgortamaynin waxna aysan u dhimi karin Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamul ay dabada ka riixayaan.

Madaxweynaha dowladda Puntland Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in Puntland jiritaan keeda aysan cidna uga baahnayan in ay aqoonsato isagooo wax lala yaabo ku tilmaamay hadal ka soo baxay madaxda dowladda federaalka Soomaaliya oo dastuurka ay u qortay maamulka Cadaado ku qortay in xuduudiisu tahay Gobolka Nugaal.

Madaxweynaha dowladda Puntland Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa ku celiyey in Puntland kaliya aysan xil ka saarnayn Soomaali isku raadinteeda hadddii arrinkaas ay madaxda dowladda federaalka ka baaqsadeen.

Hoos ka Dhagayso Khudbada Madaxweyne Gaas uu caawa ka jeediyey Xafladii 1da-Luuliye ee ka dhacday xarunta Madaxtooyada ee Garoowe.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
June 2015
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online